Garoowe: (pp)- Dowlada Puntland ayaa qaadacdey ka qeyb galka Shirka London lagu wado in uu ka furmo 7 May ka dib markii guul daro uu kusoo dhamaadey wada hadal Puntland iyo DF ku dhex marayey Magaalada Garowe.
Afhayeenka Dowlada Puntland Axmed Cumar Libaax (Joore) oo warbaahintu wax ka weydiisey diidmada Puntland ee ku saabsan shirka London ayaa sheegey inay ku timid ka dib markii Madaxweynaha Federaalku sheegey in Puntland qeyb ka noqon doonto Waftida Dowladiisa uga qeyb galaya shirka London.
“Annagu waxaan aamin-sanahay in aanu nahay Dowlad jirta oo Madax banaan oo Federaal ah ,xiriro toos ahna la leh Beesha Caalamka,Islamarkaana xaq u leh inay ka hadasho Maamulkeeda iyo Ajandayaasheeda ” ayuu yiri Libaax joore.
Libaax joore waxa uu sheegey in Dowlada Puntland xalka shirkaasi uga qeyb galeyso ay u aragto marka caasumaad toos ah ay ka hesho Dowlada Ingiriiska, Balse hadda mowqifkeedu uu yahay inaysan qeyb ka noqon Waftiga Muqdisho ee Xasan Shiikh Hogaaminayo.
Axmed Cumar Libaax Joore Afhayeenka Puntland waxa uu intaas ku darey inay u cubtami weysay Caasumaad uu usoo gudbiyey Madaxweynaha Dowlada Federalka Xasan Shiikh Puntland midaas oo uu ku sifeeyey mid u muuqatey inuu ku inkirayo jiritaanka dowladnimo ee Puntland.
Dhanka kale ilo xogogaal ah oo la hadley Puntlandpost ayaa u xaqiijiyey in diidmada Puntland ee Shirka London ay ku timid ka dib markii Madaxweyne Xasan Shiikh uu u sheegey Madaxweynaha Puntland in shirkaas saddex qof DF ugu casuntey Puntland, midaas oo kaliftey in khilaafku cirka isku shareero ayna sidaas ku qaadacdo Puntland.
Horey waxaa shirka lagu wado in uu ka furmo London ee loo qabanayo dhinacyada Somalida u diidey ka qeyb galitaankiisa Maamulka Somaliland, iyadoona diidmada Puntland ee iminka ay noqoneyso mid fashil ku keeni karta , hadii aanan wax iska bedelin ajandaha lagu casumey ka qeyb galayaasha shirka oo Dowlada Ingiriisku usoo marsiisey DF oo iyana la sheegey inay si khaldan u maamushey Caasumaada.
Puntlandpost.com
Garoowe.