Marka jawaabta su,aashan loo eego waxay noqon kartaa sidii horey-ba loo filayey oo uu shirku kusoo dhamaadey sida ay qabaan dad badan oo falanqeeya arrimaha siyaasada Gobolka, iyada oo laga eegayo Aragtiyada u dhexeeya labada dhinac oo ah Kaaf iyo Kala dheeri.
Ka hor intii labada dhinac shirarku aysan u bilaabmin hadal haynta jirtey waxaa lagu gorfeynayay qodobada suurto galnimadaa ee la isla fahmi karo iyo kuwa lagu kala aragti duwanaanayo ilaa inta laga helayo xal rasmiya oo wax ka bedela mowqif-yada labada dhinac arrimaha Somalia ka kala taagan yihiin.
Shirka Garowe ugu soo dhamaadey DF iyo Puntland sida ka muuqatey ma ahayn mid guul laga gaarey qodobadii ugu muhiimsanaa ee la xiriirey,Hanaanka Federalism-ka, Shirka London , Wax ka bedelkii Dastuurka lagu sameeyey iyo Siyaasada beesha caalamka loola macaamilayo.
Puntland iyo Mowqifkeeda.
Marka dhinac laga eego Siyaasada Puntland ay ku dooneyso waa mid ay ku saxan tahay sababtoo ah, Madaxweyne Faroole wuxuu istaagey mowqif Federalism oo ah midka uu u dhigayo Dastuurka Wadanka, taasi noqoneysa in wadanku yeesho Awoodo Dowlado xubno ka ah Dowlada Federalka, lana sameeyo hirgalintooda ka hor inta aan wadanka doorasho dadweyne loogu dareerin.
Waxaa jirta Mowqif-yo cusub oo Puntland meel ka istaagtey kuwaas oo kasoo baxay shirkii labada dhinac dhex marey, ayna ka mid yihiin Qodobo Bedel lagu sameeyey oo Dastuurka ku qornaa, ka qeyb galka shirka London, waxayna labadasi arrimood noqonayaan kuwo hor leh oo kusoo kordha qodobkii horey la isugu diidanaa ee kala fogeeyey cilaaqaadkooda siyaasadeed DF iyo Puntland .
Dowlada Federalka iyo Xasan Shiikh Mowqifkiisa.
Dowlada Federaalku waa mid ay ku jiraan goloyaasheeda xubno iyaga ruuxoodu aragtiyo kala duwan ka qaba qodobada hadda hirgalintooda Madaxweynaha DF Somalia iyo Xukumada Saacid walaac ka muujinayaan, waxaana jira xubno siyaasada miisaan ku leh oo ku jira baarlamanka oo ka aragti duwan sida ay u abaarayaan Ragga Xubnaha ee kula jirra Dowlada una badan Xukuumada Somalia.
Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu inta badan ku cel celiyaa ereyga Federaal oo uu hal ku dhig uga dhigto maahmaahda oraneysa “Geedkii roor lagu koraa, Sahal loogama soo dego” Oraahdan ma aysan jeclaysan dad badan , maxaa yeelay waxay muujineysaa Madaxweynuhu in uu xilligan u diyaarineyn dalka hirgalinta Dhismaha Dowlado xubno ka noqda Dowlada Federaalka.
Marka laga soo tago Ra,iga Madaxweynuhu ka qabo Hanaanka ku dhaqanka Federal ayaa haddana imaanyihiisii Garowe ay ahayd cashar cusub oo uu kala tagey Siyaasada iyo Mowqif adeega Xukuumada Dr C/raxmaan Faroole.
Sidee bay uga hadashey Warbaahinta Caalamku ka hor intii shirku soo xirmin.
Wakaaladaha Caalamka iyo Jariiradaha Dunida ayaa siyaabo kala duwan uga hadley tagistii Madaxweyne Xasan Shiikh ee Garowe, waxaana sida Jariirada Aljazeera oo ka mid ah warbaahinta dunida ugu xoog badan qortey ku sheegtey maqaalkeeda in Xasan Shiikh arinta ugu muhiimsan ee Garowe u yimid la xiriirtey sidii Puntland uu ugu qanci lahaa inay kala qeyb gasho shirka London.
Jariirada oo la hadashey xubno ka mid ah aqoonyahanada ayaa sheegtey in hadii qodobkaasi fashil kaga yimaado suurto galin karto mugti hor leh oo ay galiso Siyaasada Madaxweyne Xasan Shiikh ee Somalia, Waxaana ka mid ahaa xubnaha Aljazeera la hadashey Zakariye Isticmaar.
Halkan ka daalaco warka Aljazeera qeybteeda carabigu kaga hadashey shirkii Garowe uga socdey Madaxweynaha Dowlada Federalka Somalia iyo Madaxweynaha Puntland, kuna dhufo si aad u hesho qoraalka ciwaanka http://www.aljazeera.net/news/pages/97b87573-8b64-41ec-83c3-9ead4df62e55
Puntlandpost.com
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com