Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

RW cumar oo Muqdisho kulan kula qaatay wasiirka ciidamadda Ingiriiska

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)-Ra’iisul Wasaaraha dowlada fadaraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Ciidamadda ee Ingiriiska Penny Mordaunt, Safiirka u fadhida Soomaaliya Danjire Harriet Mathews, waxana ay ka wada hadleen horumarka ay gaartay Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan dhismaha Ciidamadda .

Kulanka Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirka Ciidamadda ee Boqortooyada Ingiriiska Penny Mordaunt, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida ay dawladda Soomaaliyeed uga go’an tahay in mar walba ay ka faaiideysato taageerada ay la garab taagan tahay boqortooyada Ingriisku. Waxaana uu Ra’iisal Wasaaruhu tilmaamay in loo baahan yahay marka la tababaro Ciidamadda in loo helo qalab dhamaystiran oo ay ku howlgalaan.

“Waxaan isla soo qaadnay sidii Boqotooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeya loo adkayn lahaa loona xoojin lahaa taageera dhanka Amniga,hormarinta siyaasada dawladda, iyo Dhagaalaha. Soomaaliya waxay gashay weji cusub oo horumarineed, caalamkuna waa inuu sidaas u ogaadaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo uga mahadceliyay Mordaunt booqashada ay ku timid dalka Soomaaliya.

Waxaana Ra’iisal Wasaaraha oo weheliyey Wasiirka Gaashaandhigga ay xuseen in dawladda Soomaaliya ay ku hanweyntahay in caalamku taageero qorshaha ku aadan Amniga iyo horumarka dalka ee dawladdu Soomaaliya wado. Waxana uu kulankii labada dhinac ku dhamaaday is-faham buuxa iyo ballan-qaadyo ku aadan wada shaqeynta labada wadaan ee UK iyo Soomaaliya.

Wasiirka Ciidamadda Boqortooyada Ingiriiska Penny Mordaunt, ayaa u mahadcelisay dawladda Soomaaliya sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho, Iyadoona sheegtay in ay ka wada hadleen sidii looga taageeri lahaa Amniga, Cadaalada, iyo Maamulka dhaqaalaha.

Sawirro.

r

rr

rrr

rrrr

PUNTLAND POST

The post RW cumar oo Muqdisho kulan kula qaatay wasiirka ciidamadda Ingiriiska appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>