Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maamulayaasha Dugsi-yada sarre Sool,Ceyn,Nugaal iyo Mudug oo Garowe tababar loogu soo xirey,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Xarunta Guddoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal magaalada Garowe ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyey tababar soconayey 5 maalmood oo ay ka qeyb galayeen Maamulayaasha Dugsiyada sarre ee Gobolada Nugaal, Mudug, Sool iyo Cayn.

Goobta KulankaTababarkan oo ahaa mid ay iska kaashanayeen Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo Hay,adda Carre International ayaa lagu barayey ka qeyb galayaasha arruurinta tirakoobka waxbarashadda oo ka kooban 5 qeybood oo kala ah, Uruurinta xogta Macalinka, Xogta Ardeyga, Xogta qallabka Dugsiga, Xogta dhaqaalaha dugsiga, iyo Xogta maamulka dugsiga.

Maamulada IskuuladaMaamulaha Dugsiga Sarre ee Cumar Samatar Gaalkacyo oo ku hadlayey magaca maamulayaasha tababarkan loo qabtey ayaa sheegey inay wax ka badan ka faa,iideen casharadii loo soo gubdiyey , islamarkaana ay kaga howl-gali doonaan iskuulada ay maamulaan.

CarreGudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xasan Cabdulahi (Xasan Birimo) oo uu soo wakiishay Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegey in muddo labo todobaad ah looga baahan yahay maamulayaasha tababarka kasoo qeyb galey inay kusoo buuxiyaan foomam goobta lagu siiyey ,islamarkaana ah ka hor xilliga xiritaanka dugsiyada sarre oo  ay dhow dahay.

Mid la mid ah tababarkan ayaa isna waxa lagu qabtey Gobolada Puntland, waxaana ka qeyb galay in ka badan 600 oo maamulayaal dugsiyada hoose, dhexe , kuwaas oo laga caawinayo sidii loo bari lahaa uruurinta xogta iskuulada.

Axmed Shiikh Carre International

Axmed Shiikh Carre International

1 Goobta kulanka Kasoo qeyb galayaashaNagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>