Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Tababar ku saabsan deegaanka iyo Biyo la’aanta oo lagu qabtay Bosaso

$
0
0

Bosaso-(Puntland Post)- magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari waxaa lagu qabtay tababar ku saabsana ilaalinta deegaanka iyo Biyo la’aanta,waxaa qabashadiisa iska kaa shaday wasaaradda deegaanka iyo Ha’yado

Tababarka oo shalay dhacay waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday wasaaradda deegaanka iyo maamulka gobolka Bari,iyagoo ka hadlay ahmiyada uu deegaanku leeyahay,dadkana ku dhiri galiyey in laga hortago xaalufka deegaanka.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka bari Axmed Cabdullaahi Ciro oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in nolosha dadku ay ku xiran tahay deegaanka,waxaa uuna shacabka reer Puntland gaar ahaan kuwa bari faray  ilaaliyaan deegaanka.

Tababarka looga hadlayey ilaalinta deegaanka iyo biyo la’aanta ayaa kusoo aaday xili Puntland ay ka jiraan abaaro saaamayn ku yeeshay dad iyo duunyaba,horayna madaxweyne Gaas ayaa Ha’yadaha u faray inay ka qayb qaataan sidii looga hortagi lahaa abaaraha.

PUNTLAND POST

 

 

The post Tababar ku saabsan deegaanka iyo Biyo la’aanta oo lagu qabtay Bosaso appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>