Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

28 ruux oo ku dhintay Qarax ka dhacay Ankara

$
0
0

Ankara-(Puntland Post)-Dhimashada Qarax ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa sii korodhay, iyadoo hadda ay mareyso dhimashada 28 ruux, iyo dhaawaca 61 kale, sida ay saraakiil sheegen.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ay kolonyo baabuur ah oo milatariga ay lee yihiin ay marayeen meel waxyar un ka fog xaruntooda.

Guddoomiyaha Ankara Mehmet Kilicer ayaa sheegay in qaraxa uu u muuqdo inuu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray baabuur.

Booliiska ayaa baaraya dhacdadan. Baabuurta gurmadka deg degga ayaa la arkayey ayaga oo ku socda goobta qaraxa uu ka dhacay.

Reysal wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa dalalka Biljamka iyo Azerbijan.

PUNTLAND POST

Xigasho VOA.

The post 28 ruux oo ku dhintay Qarax ka dhacay Ankara appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>