Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

RW Cumar Cabdirashiid oo sheegay in Xukuumadiisu hormarin doonto Cayaaraha

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)-Ra’iisul Wasaaraha Dowladda fadaraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in si sare loo qaadi doono qeybaha kala duwan ee Cayaaraha, isla markana la hirgalin doono Dugsiyo iyo Garoomo Kubada cagta ah, si loo soo saaro mustaqbal cayaartooy dalka matali kara.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay kulan dhiirigelin ah oo uu la qaatay cayaartooyda 11 Jirada ee Dalkeena oo dhawaan dalka Qatar kaga soo qeyb galay tartankii Kubada cagta ee Jeem Cup ayaa sheegay in ay horumarinayaan isboortiga da’ yarta Soomaaliyeed.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay sameynayaan dugsiyo isboorti iyo Labo garoon oo waa weyn oo loogu tala galay in lagu soo saaro carrsuurta, isaga oo sheegay in arrintaasi ay ka caawin doonto Dowladda Qatar.

“Xukuumadda waxa ay qorsheyneysaa in la helo goobo lagu tababbaro da’yarta Soomaaliyeed oo waxkasta leh oo dhanka isboortiga ku saabsan, aan u istaagno sidii aan u dhiiri gelin lahayn carruurta yar yar ee leh mustaqbal” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Cayaaraha kubada cagta ayaa door weyn ka qaata isdhexgalka iyo ammniga bulshada, waxaana hadda ka jira magaalada Muqdisho iyo gobolada Dalka horumar isboorti kadib markii uu soo hagaagay ammniga.

PUNTLAND POST

The post RW Cumar Cabdirashiid oo sheegay in Xukuumadiisu hormarin doonto Cayaaraha appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>