Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo ka qayb galay Mashruuc ku shaqaynaya Tamarta Cadceeda oo laga hirgeliyey Magaalada Garoowe

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  ayaa maanta 22-Feb-2016 magaalada Garoowe kaga qayb galay munaasabad lagu daah furayey mashruuc Tamarta cad-ceeda ku shaqeeya oo shirkadda korontada ee NECSOM  oo hore loogu magcaabi jirey NEC ay ka hirgelisey magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, Mashruucaas oo noqonaya mashruucii koronto ee ugu weynaa ee Soomaaliya laga hirgeliyo.

Munaasabadda Daahfurka mashruucaasi ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socda golayaasha Dawladda Puntland, Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud,  Ganacsato, Isimo, Maamulka Shirkadda Necsom iyo shirkadda ELVI oo ay wada shaqayn leeyihiin shirkadda NECSOM, Culumaa’udiin iyo Dadweyne kale.

Mashruucan ay soo kordhisey shirka korontada ee NECSOM ayaa ah mid magaaladu isticmaali doonto 16saacadood maalintii Tamarta Cadceedda halka 8-da saacadood ee dhimana ay isticmaali doonto matooradii shidaalka, taas oo wax badan hoos u dhigaysa qarashkii shidaalka ee ku bixijirey matoorada shirkadda iyo khidmadihii laga qaadi jirey macaamiisha, sidoo kale waxaa hoos loo dhigi doonaa qiimihi laga qaadi jirey macaamiisha shirkadda  laga bilaabo 01-March-2016 waxaana laga dhigi doonaa $0.79 halkii kilo watt halka markii hore ay ka ahayd $0.95/kw.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shirkadda korontada ee NECSOM tallaabadan horumarka ah ee ay ku tallaabsatay  iyo qiima dhimista ay bulshada u ballan qaaday,  isagoona ku tilmaamay mid Puntland oo dhan anfacaya maadaama ay shirkaddu ka hawl gasho gobollo  kamid ah Puntland iyo koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sidoo kale sheegay in mashruucani uu qayb ka qaadan doono sugidda nabad-gelyada, bilicda magaalada iyo hirgelidda goobo ganacsi oo kusoo bata Caasimadda Puntland ee Garoowe.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_9762 IMG_9776 IMG_9783 IMG_9805 IMG_9809 IMG_9813 IMG_9818 IMG_9826 IMG_9828 IMG_9831 IMG_9837 IMG_9846 IMG_9838 IMG_9848 IMG_9855 IMG_9861 IMG_9871 IMG_9873 IMG_9882 IMG_9885 IMG_9889 IMG_9892 IMG_9903 IMG_9914 IMG_9930 IMG_9943 IMG_9949 IMG_9959 IMG_9970 IMG_9978
IMG_0026 IMG_0052 IMG_0071 IMG_0074 IMG_0080 IMG_0081 IMG_0096 IMG_0102 IMG_0121 IMG_0144 IMG_0150 IMG_0155 IMG_0167 IMG_0171 IMG_0176 IMG_0190 IMG_0208

The post Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo ka qayb galay Mashruuc ku shaqaynaya Tamarta Cadceeda oo laga hirgeliyey Magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>