GAROWE-(Puntland Post) Munaasibad lagu shaacinayo daah-furka mashruuca Tamarta qoraxda oo ay soo kordhisay shirkadda NEC ayaa maanta lagu qabtay magalada Garowe, waxana munaasiabdaasi kasoo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Puntland gollayaasha dowladda, madaxwaynihii hore Cabdiraxmaan Farole, isimo,culimo iyo ganacsato.
Dahfurkan oo isagu jiray labo qaybood oo kala ah magaca shirkadda korontada NEC oo laga badalay lagana dhigay NECSOM iyo barnaamijka tamarta laga dhalinayo cad-cadeedo oo ay shirkaddu soo kordhisay kaasoo muddo saddex sano ah laga soo shaqaynayay.
Ugu horayntii gudoomiyaha Shirkadda NECSOW Cabdifutaax Kismaayo oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay munaasibadda ayaa marka hore ka war bixiyay aasaska NEC oo dhidhibada loo taagay 2002, wuxu uu sidoo kale ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay NEC soo martay taasoo uu sheegay inay xooga saareen in shacabka caasumadda ay haleen 24-ka saac koronto joogto ah.
Kismaayo waxa uu sheegay in qiimo dhimis lagu sameeyay halkii kiilo waad ee saacadda wuxuna sheegay markii hore in la qaadi jiray kiilo waadka $.95 balse hadda laga dhisay qiimahaasi $.79 taasoo ka dhigaysa in hoos loo dhigay qiimaha saacada halkii kiilo waad, waxa kale uu sheegay Soolarkan cad-cadeeda ku shaqaynaya inuu awoodi karo in karonto laga helo 6 ilaa 8 saac inta u dhaxaysa inta kalena la isticmaali doono matoorada.
Qiimaha ku baxay mashruucaan oo ay muddo ku qaadatay ayuu sheegay Cabdifutaax Kismaayo inuu dhan yahay adduun lacageed $5.5 doolar, wuxuna sheegay inay sidoo kale wadaan mashruuc dabaysha laga samaynayo koronto.
Maxamed Cabdinuur Xirsi oo ka mid ah guddiga boorka NECSOM ayaa tilmaamay ula jeedada magaca loo badalay inuu yahay maadama ay hadda Soomaaliya oo dhan doonayaan inay gaaraan aysan suurta gal noqon karin in magaca Nugaal lagu soo shaqeeyo wuxuna carabaabay inay hadda ku wajahan yihiin Kismaayo iyo Baydhabo.
Ganacasatadii hadalka soo jeediyay ayaa so dhaweeyay tilaabadaan oo ay ku sheegeen inay tahay mid horay loosii qaaday maadama nidaamkan uu yahay kii ugu horeeyay oo gayiga Soomaaliga laga hir galiyo.
Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo heerarka kala duwan ee ay NEC soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay, wuxuna ku bogaadiyay inay sii xoojiyaan shaqadan oo ay ka war qabaan siday wax u fuliyaan.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Camay ayaa sheegay ka dowlad ahaan inay ku faraxsan yihiin in Cad-cadeeda NECSOM koronto la dhaliso, wuxuna iftiimiyay baahida nolasha dadka ee iftiinka ku xiran, ugu danbayntii Camay,Farole iyo madaxda NECSOM ayaa xariga ka jaray mashruucaan oo lagu tilmaamay mid wax badan ka badali doono xagga Iftiinka.
Sawiradda waxaa qaaday
PUNTLAND POST
The post Garowe oo lagu daah-furay mashruuca Tamadarta Qoraxda ee shirkada NECSOM appeared first on Puntland Post.