Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo dhagax dhigay guriga martida degmada Dongorayo

$
0
0

DONGORAYO-(Puntland Post) Gudoomiyaha gobalka Nugaal mudane Cumar Cabdilaahi Farawayne ayaa dhagax dhigay maanta guriga martida degmada Dongorayo kaasoo lagu dhisamayo nidaam ah iskaa wax u qabso, sidoo kale gudoomiyaha ayaa maanta lacag gaaraysa 700 oo doolar ugu deeqay dhismaha aqalka maxkamdda ee degmada kaasoo dhismihiisa meel wanaagsan uu marayo.

Cumar Cabdilaahi ayaa sidoo kale dhagax dhigay dayr lagu soo wareejinayo guriga degmada iyo maxkamdda oo is dhinac yaala, wuxuna sheegay dhaqaalaha ku baxaya oo boqol ku ku dhowaanaysa ay iska soo aruurinayaan mamulka degmada, kan gobalka, ganacsatada iyo qurba joogta maadama ay muhiim u tahay howlaha degmada iyo xafiiska.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay howlaha horumarinta ee degmada ka socda, wuxuna Jaaliyadaha Gobalka Nugaal ugu baaqay inay ka qayb qaataan horumarinta degmooyinka maadama Eyl, Godob jiiraan oo laamiga ka baxsan aysan helin daryeelo wanaagsan, wuxuna tilmaamay ka mamul ahaan inay ka go’an tahay sidii kaalin wanaagsan looga ciyaari lahaa arrimaha nabad-galyada,caafimaadka iyo waxbarashada.

Waxa uu kulan xaalada degmada looga hadlayo la qaatay mamulka Dongorayo, isagoona gudoomiyaha gobalka Nugaal ka xog waraystay sidey wax u socdaan shacabka ayuu ku dhiiri galiyay inay si dhow ula shaqeeyaan mamulada taasoo suurta galin karta in qorshe kasta lagu guulaysto.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo wafdigiisa ayaa tuulada Ceel’bu oo hoos timaada degmada Dongorayo kusoo daah furay ceel biyood halkaa shacaabka looga qaadayo kaasoo qorshihiisa mudo laga soo shaqaynayay.
IMG-20160222-WA0077

IMG-20160222-WA0076

IMG-20160222-WA0075

IMG-20160222-WA0074

IMG-20160222-WA0073

IMG-20160222-WA0067

IMG-20160222-WA0068

IMG-20160222-WA0069

IMG-20160222-WA0070

IMG-20160222-WA0072

IMG-20160222-WA0066

IMG-20160222-WA0065

IMG-20160222-WA0064

IMG-20160222-WA0061

IMG-20160222-WA0060

IMG-20160222-WA0053

IMG-20160222-WA0054

IMG-20160222-WA0056

IMG-20160222-WA0058

IMG-20160222-WA0059

IMG-20160222-WA0052

IMG-20160222-WA0049

IMG-20160222-WA0047

IMG-20160222-WA0046

IMG-20160222-WA0045

IMG-20160222-WA0044

IMG-20160222-WA0042

IMG-20160222-WA0028

IMG-20160222-WA0034

IMG-20160222-WA0031

IMG-20160222-WA0030

IMG-20160222-WA0021

IMG-20160222-WA0018

IMG-20160222-WA0023

IMG-20160222-WA0024
PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo dhagax dhigay guriga martida degmada Dongorayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>