Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso kana hadlay shirka Istanbuul

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta 24-Feb-2016 waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Soo dhoweynta Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa kaqayb qaatay  xubno ka kala tirsan golayaasha Dawladda, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo bannaanka ugu soo baxay siday uga qayb qaadan lahaayeen soo dhoweynta Madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweyna ayaa soo dhoweynta kadib waxaa loosoo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso halkaas oo uu warfidiyeenada kula hadlay.

Kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey ayaa sheegay safarkiisu in uu salka ku hayo kaqayb galka mashaariic ay dawladdu ka fulisey magaaalada Boosaaso oo la furayo, cutubto ka tirsan ciidanka Badda Puntland oo tababar loosoo xidhayo iyo u kuur-gal xaaladaha abaareed ee ka jira Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shirka  Caalamiga ah ee ka furmay Waddanka Turkiga kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Hiigsiga cusub(New Deal) iyo Arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland shirkii looga hadlayey hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee diiradda lagu saaray horumarka dalka, dhaqaalaha iyo maalgashiga in ay Puntland uga qayb galeen xubno ka tirsan golaha Xukuumadda.

Sidoo kale shirkii looga hadlayey arrimaha siyaasadda soomaaliya oo diiradda lagu saarayey hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka ayuu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland in aanay jirin haba yaraatee cid Puntland uga qayb gashay shirkaa, taa beddelkeedana aanay  Puntland qusayn go’aamada kasoo bixi doona  shirkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey ayaa sidoo kale ku tilmaamay shirkaasi  mid ummadda soomaaliyeed lagu sii kala fogeynayo, isla markaasina  lagu wiiqayo geeddi socodkii nabad soomaaliya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_1128 IMG_1129 IMG_1131 IMG_1137 IMG_1138 IMG_1139 IMG_1141 IMG_1147 IMG_1149 IMG_1153 IMG_1155 IMG_1159 IMG_1162 IMG_1163 IMG_1166 IMG_1167 IMG_1169 IMG_1171 IMG_1176 IMG_1181

The post Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso kana hadlay shirka Istanbuul appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>