Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’adda Kaalo Nederland oo mashaariic kala duwan ka wada Puntland

$
0
0

Garowe(Puntland Post)-Hay’adda Kaalo Nederland ayaa Mashaariic kala duwan kawada degaanada Puntland, Mashriicdan oo iskugu jira Dhismayaal kala duwan oo muhiim u ah Bulshada iyo kuwo kale oo lagu horumarinaayo danaha Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxa Mashaariicda Puntland ee Hay’adaas Cabdisalaan Faarax Cali(Karood) oo xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta Puntland Post ayaa ka warbixiyey wax yaabaha kala duwan ee ay wadaan iyo kuwo soosocda wuxuuna tilaamay inay Hay’adda Kaalo Nederland ay ka go’an tahay wax u qabashada Bulshada ayna mudo dheer hawlahan kusoo jirtay.

Wax yaabaha ay Wado Kaalo Nederland  waxaa kamid ah xarun lagu horumarinaayo dhalinyarada  oo lagu magacaabo The City Center and The Youth taas oo iskugu jirta arimo kala gedisan sida Maktabad si lacag la’aan ah ay Dhalinyarada iyo Ardaydu wax ugu akhirsan karaan, Goob ay dhalinyaradu isku weydaarsan karaan fikradahooda kala duwan iyo weliba kuwa kale oo aad u tira badan.

Mashruuca lagu dhisaayo dhismahan aadka u balaaran ayaa maraaya heer Gaba-gaba ah, Iyadoo la filaayo inay Bulshadu si wanagsan uga faaidi doonto, kagana bixi doono baahi aad u weyn oo Bulshada dhinicyo badan ka haysata.

1

2

3

5

6

7

8

9

10

11

kaa

Hoos Ka Daawo Xiriiryaha Mashaariicda Puntland ee Hay’adda Kaalo Nederland

Puntland Post

The post Hay’adda Kaalo Nederland oo mashaariic kala duwan ka wada Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>