Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gal-mudug oo iska fogeysay ku lug lahaanshaha dagaalkii dhuusa-mareeb

$
0
0

Cadaado-(Puntland Post)-Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Gal-mudug Max’uud aadan Cusmaan (Masagawaay) oo la hadlay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay maqleen dagaalka ka dhacay Dhuusa-marreeb balse ayan qayb ka ahayn.

“ Waan maqleynay eedeynta laakiin waxan leennahay waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, sargaal ciidamo gooni ah wata ayaa naloo sheegay in dagaalka uu qaaday balse anaga waxba kama ogin, mana jirto sabab aan u inkirno haddaan qayb ka nahay, maamulkeenuna diyaar uma ahan in dhuusa-marreeb uu dagaal ku aado, waxaan ku aadeynaa wada hadal ” ayuu yiri Masagawaay.

Wasiirka ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeelloobay dagaalka,wuxuuna ugu baaqay dhinacyada isku fara saaray Dhuusa-mareeb inay u turaan shacabka aan waxba galabsan,isagoo u diray farriin ah in la barto dabeecadaha wada xaajoodka laakiin meesha laga saaro tan gacan ka hadalka.

Hadalka wasiirka ayaa yimi markii uu maamulka Suufiyada Ahlu-sunna ku eedeeyay Gal-mudug inay dagaalka gacan weyn lu lahayd,iyadoo ay dowladda federaalkuna ku taakulaysay hub iyo saanad ciidan taasoo aan la hayn weli cid ka hadashay oo dowladda dhexe ka mida.

The post Gal-mudug oo iska fogeysay ku lug lahaanshaha dagaalkii dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>