GAALKACYO-(Puntland Post) Wasaradda haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland ayaa maanta oo Isniin ah magalada Gaalkacyo ku qabatay dood furan oo looga hadlayay Jinsiga iyo caqabadaha Haweenka Gobalka lasoo dirsa.
Kulankan oo qayb ka ah wacyi galinta Sideeda Maarso ayaa waxaa kasoo qayb galay Haweenka Gobalka Mudug, wakiilka wasarada haweenka ee Gobalka iyo Gudoomiyaha ururka Haweenka.
Isu-duwaha wasaradda Haweenka ee Gobalka Mudug Deeqa Warsame ayaa sheegtay ahmiyada kullankan loo qabtay inay tahay sidii looga wada doodi lahaa mushkuladaha haweenka soo wajaha iyo hababka ugu wanaagsan ee looga gudbi karo, waxay kasoo qayb galayaasha uga mahad celisay siday usoo ajiibeen inay doodaan kasoo qayb gallaan.
Xaawo Mirro oo ka mid ahayd haweenkii kasoo qayb galay dooda ayaa dhankeeda sheegtay inay jiraan Ragg dhibaatooyin u gaysta haweenka taasoo ay ku tilmamtay inay tahay xad-gudubyada haweenka loo gaysto waxayse xustay in looga bixi karo in haweenku muujiyeen awoodooda iyo kaalinta ay bulshada kaga jiraan.
Kasoo qayb galayaasha dooda ayaa ugu danbayntii sheegay inay dib ugu celin doonan xogaha ay is dhaafsadeen goobihii ay ka yimaadeen ayna muhiim tahay in mar kasta laga shiro arrimaha haweenka gaarka ah.
PUNTLAND POST
The post Wasaradda Haweenka Puntland oo Gaalkacyo ku qabatay dood Haweenka ku saabsan appeared first on Puntland Post.