Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland tanaadaye yaan dib loo dhigin.

$
0
0

Alle ayey mahadoo dhan u sugnaatay, waxaan donayaa inaan maqaalkan kaga hadlo arimaha iyo siyaasadaha cusub ee ay wajahday Puntland, sida aan la soconaba Puntland tan iyo markii la asaasay 1998 waxay ku socotay wadada wax qaybsiga qabaailka iyadoo dhismihii Puntland ay balantu ahayd in dalka hanaankan wax qaybsiga beelaha lagaga gudbiyo muda dhan 3-sano gudaheed ah maadama nidaamkan uu yahay mid gaboobay oo aan ka shaqayn caalamkan aan maanta ku noolahay.

Puntland tanaadaye yaan dib loo dhigin.

Puntland tanaadaye yaan dib loo dhigin.

Dawladihii kala dambeeyey ee Puntland dhamaantood way ku guul daraysteen  inay dalka u gudbiyaan hanaanka dimuqradiyada iyo xisbiyada badan oo ay dadweynuhu si xor ah wax usoo doortaan loona soo doorto,  marka laga reebo Dawlada iminka talada dalka u haysa oo sanadihii u dambeeyey bilowday hirgelinta hanaankan, walow ay dadka reer Puntland kusoo caano maaleen nidaamkii hore ee wax qaybsiga qabaailka hadana waxaa  marqaati madoonta ah  oo ay reer puntland mudo dheer ku taamayeen in hanaankan qabiilka mar un laga gudbo.

Markii hanaankan lagaga dhawaaqay Puntland wuxuu la kulmay diidmooyin iyo dhaliilo isdaba jooga ah oo ay soo jeedinayaan qaar kamid ah siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland oo malahayga u maleeyey inaysan umadda ka gadmayn hadii uu dalku galo mar xalado doorashooyin xor ah, Iyagoo ka doorbiday inuu dalku kusii jiro wax qaybsigii beelaha maamada ay kaas u arkaan inay ku helayaan sad bursi iyo wax waqtigeedii laga soo gudbay hase ahaate ku dambaysa 80-jiradaan ku shaqeeya maskaxda daashay.

Ragaan ayaa qaarkood ku xadrayn jiray inuu dalku u baahan yahay hanaankan dimuqradiyada waxaase marag madoonto ah inuusan afkooda iyo uurkoodu meel wada jirin, uusana hadalkaasi dhaafsanayn bashimaha hore, Maadama markii maanta ay Puntland usoo bidhaantay wixii ay ku riyoonaayeen ay  bilaabeen inay caruur yar-yar iyo Haween u muuqday barakacayaal ay u qaybiyaan Lacago yar si ay Puntland qalalaase iyo kicin bulsho uga abuuraan gaar’ahaan Magaalada Ganacsiga Puntland ee Bosaaso, Waxaase ayaan daro iyo amakaag ila noqotay markii ay dhiiqadan lugaha lasoo galeen siyaasiyiin magac weyn ku leh Puntland, isla markaana kasoo qabtay xilal muhiim, waxaana naftayda waydiiyey tallow maxaa duqayda ka qaldamay, hadana waxaan eegay taariikhaha madow ee ay ragan ku leeyihiin Puntland.

Umadda Puntland waa inay danteeda garataa isla markaana raacdaa halkii u wanaagsan, isla markaana waana inay il-gaara ku eegtaa shaqsiyaad laga yaabo inay gacmo kale ku lug leeyihiin oo doonaya inay Puntland ka abuuraan qalalaase iyo shidooyin ay ka badbaaday  sanadihii badnaa ee ay Soomaliyada kale holcaysay.

Dawlada Puntland waa iany ka dhabaysaa qabashada doorashada Golyaasha degaanka ee la rajaynaayo inay dadka Puntland u dareeraan 30-ka June oo fooda ina kusoo haysa, waana inay Dawlada iyo Guddiga Doorashooyinku masuuliyad iska saaraan sidii ay Ururada siyaasada ugu wada qancin lahaayeen ka qaybgalka doorashadan isla markaana waa inay doorashadu noqotaa mid si xaq iyo xalaal ah u dhacda waayo waxay dad badan shaki ka qabaan in doorashada la musuq-maasuqo, sidoo kale waxaa loo baahan yahay ina shacabka laga gado hanaankan ku cusub hadii ay Dawladu siyaasadeeda shacabka ka iibin waydo hala ogaado cadawga Puntland ee tirada badan inuu suuqa soo galaayo, uuna siyaasadiisa Puntland nacaybka ah keenaayo gudaha Puntland, Waa xaqiiq wax kasta oo cusub inay wataan caqabadohooda iyo culyskooda waase in lagaga gudbaa isku duubni iyo isku kalsoonaan dhan walba ah.

 

W/Q: Mukhtaar Cabdi Faarax

Kampala, Uganda

E-mail: kaamil571@gmail.com

Tell: +256793636492


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>