Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Faysal Cali Waraabe oo ka soo dhex muuqday Xaflad loo sameeyey Xasan Sheekh

$
0
0

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa lagu dhex arkay Xaflad loogu sameeyey magaalada Birmigham Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi la socday oo asbuucan bilowgiisii shir uga qayb galay magaalada London ee Cariga dalka Ingiriiska.

Waraabe vs Xsaan

“Yaan nala hilmaamin” Fatsal Cali Waraabe

Xafladaas oo ay soo agaasimeen Qaar ka mid Beesha madaxweynaha oo aysan immaanin inta badan shacabka Soomaaliyeed oo aad uga xumaa habka loo abaabulay Xaflada ayaa waxaa hal mar laga warhelay Faysal Cali Waraabe oo agfadhiya Miis ay fadhiyeen Madaxda Xasan Sheekh iyo masuuliyiin la socday.

Wararka ayaa sheegaya in ay isku hareen mar danbe Faysal Cali Waraabe iyo Hubnaha dowlada ka tirsanaa , lamana yaqaan waxyaalaha ay ka wada hadleen.

Maaha markii ugu horaysay Faysal Cali Waraabe lagu arko kulanada  madaxda Soomaalida , waxaana sanadkii hore uu magaalada Dubai Kula kulmay Madaxweynihii hore ee DF ee Soomaaliya , isagoo dadaal badan u galay sidduu ulla kulmi lahaa  madaxweyne Shariif , una maray la kulankii Shariif Safaarada Soomaalidu ku leedahay wadanka Imaaraadka carabta.

Faysal Cali Waraabe ayaa asbuucii hore ku wareeray Mareegaha Soomaalida Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyey Xasan Sheekh inuu ka soo horjeedo Federaalnimada, waxaana dad badan oo Soomaaliyeed ka jawaabiyey la fadhiga Xasan Sheekh.

Shacabka Hargeysa ayaa aad ugu wareeray la kulka Feysal Cali waraabe ee sidda dhuumashada ah uga qayg galay Xafladaasi, taas oo dad badan u fasirteen inuu doonayo inuu Kursi ka doonayo dowlada dhexe ee Federaalka ee Soomaaliya.

Waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan inay ku kaftamay  Faysal Cali Waraabe inaan la hilmaamin Somaliland , maadaama Soomaaliya  lagu jaangooyey  Hab federaal ah, ayna Maamulka Somaliland ay u diyaar yihiin inay la shaqeeyaan DF ee Soomaaliya, hadalkaas oo ka dhigan in Maamulka Somaliland ay ka niyad jabeen sheegashadii ay sheegan jireen inay Soomaaliya ka go’ayaan , laakiin sheekadii ay hadda isugu soo biyo shubatay aan Wada shaqayno.

Puntlandpost.com 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>