Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Musharaxiinta Jubbaland oo 3000$ ku gelaya Doorashada & Beelo weli ka cabanaya Ergooyinka la siiyey (Warbixin)

$
0
0

Waxaa la guddagalay wejiyadii ugu danbeeyey ee  shirka maamul usamaynta beelaha jubbooyinka iyadoo maalinkii shalay Beelaha Kablalaxa ee Absamaha iyo Hartiga faraha laga saaray ergooyinka ay xaqa u leeyihiin, iyadoo Beesha Hartiga 00 la siiyey 23 ergo ay saluugeen inta kusoo aaday, inkasta oo la sheegayo in loogu dari doono illaa 7 ergo oo la gaarsiinayo illaa 30 Ergo.

Ergooyinkii oo la qaybsaday iyo Talaadada Ama Arbacada oo la dooranayo Madaxweyne

Ergooyinkii oo la qaybsaday iyo Talaadada Ama Arbacada oo la dooranayo Madaxweyne

Cumar C/rashiid oo ah madaxda shir guddoonka ayaa ku qanciyey Beelaha Hartiga inay qaataan tirada la siiyey , maadaama ergada hadda la qaybsanayo aysan noqon doonin mid sii jiri doonta oo  mustaqbalka wax lagu qaysan doono  deegaan iyo tira-koob rasmi ah.

Beelaha Absamaha ayaa 100% ku qancay tirada la siiyey, waxaana Isla saaka Beelaha badankood ay bilaabeen inay gudbiyaan magacyada ergada rasmiga ah ee u codeynaysa madaxweynaha Jubbaland State oo lagu wado in la doorto Talaadada ama arbacada na soo haysa.

Beesha Mareexaan oo khilaaf dhixdooda ka jiro ayaa la sheegayaa inay hadda ay howshoodu ay gaba-gabo ku dhowdahay, waxaana shirguddoonku ay u qabteen in Beelaha dhiman maadaama loo qaybiyey ergooyinkooda in ay ku soo gudbiyaan liiska kama danbaysta ah Maalinka Isniinta ah.

Beelaha kale ayaa iayaguna si habsami ah ugu qanacsan qaybtooda la siiyey, kuwaas oo iyagana ku gudda-jira inay Ergooyinkooda Liiskooda  soo magacaabaan.

Dhanka kale , Musharaxiinta u tartamaya Jagada Madaxweynimada ayaa illaa hadda la shaaciyey in laga doonayo midkiiba illaa 3.000 oo Doolar, iyadoo musharxiinta qaarkood ay qabaan in laga dhigo illaa 2.000 oo doollar.

Sheekh Axmed Islaan(Madoobe) oo horay u ahaa  guddoomiyaha maamulka Kumeel-gaarka ah ayaa iska wareejiyey Xilkii uu horay u hayey,  maadaama uu sharaxan yahay Jagada Madaxweyninimada.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyey , maadaama lagu jiro gaba.gabadii shirka maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo, iyadoo la rajaynayo in maamul waafaqsan sharciga federaalka uu ka soo baxo deegaanka Jubbooyinka.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State, Soomaaliya

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>