Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Sadex wiil oo Soomaaliyeed oo ay Maxkamad maraykanka ku xukuntay xabsi daa’in

$
0
0
Sadex wiil oo Soomaaliyeed oo xukun adag lagu ridey
Sadex wiil oo Soomaaliyeed oo xukun adag lagu ridey

Minneapolis (puntland post)-Maxkamad kutaal Gobalka Minneapolis ayaa dambi ku heshay Sadex wiil oo Soomaaliyeed, kuwaas oo la sheegay inay qorshaynaayeen inay ka baxaan Dalka Maraykanka kuna biiraan Kooxda Dacish oo ka dagaalanta Bariga Dhexe.

Sadexdaan Wiil oo lagu kala Magacaabo  — Cabdiraxman Daud, 22 jir; Moxamed Farax, 22 jir; iyo Guled Cumar, 21 jir — ayaa wajihi doona xukun ah Cimrigaa haku furto ama xabsi daain.

Ehelada Wiilashan oo ay ku jiraan Waalidkii dhalay ayey indhahooda ilmo kasoo daatay markii xukunka lagu dhawaaqay, waxayna Maxkamada isaga baxeen iyagoo ilmaynaaya.

Maxamed Faarax waxaa lagu helay inuu galay dambiyada lagu soo oogay oo ka mid ah inuu doonayay inuu ku biiro Daacish iyo inuu dibadda Mareykanka uu dad ku dilo, iyo inuu fariin been ah siiyay ciidamada federaalka.

Guuleed Cali Cumar ayaa lagu helay dhammaan eedaha lagu oogay Maxamed, laakiin waxa uu kaga duwanaa inuusan ka faa’ideysan deeq waxbarasho oo la siiyay.

Cabdiraxmaan Daaud dhankiisa waxaa lagu helay dembiyada lagu oogay, laakiin waxaa lagu waayay inuu been abuur sameeyay.

Waalidiinta dhalay Wiilashan ayaa sheegay inaysan xukunkaa ku qanacsanayn, isla markaana wiilashooda dusha laga saaray laguna xukumay dambi aysan gelin, waxayna tilmaameen inay xukunkaas racfaan ka qaadan doonaan.

Puntland Post

The post Sadex wiil oo Soomaaliyeed oo ay Maxkamad maraykanka ku xukuntay xabsi daa’in appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>