
Washington (Puntland Post) — Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, raysal wasaraha dalka ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya aad uga xun tahay toogashadii dadka faraha badan ku dhinteen ee ka dhacday goob lagu caweeyo ee ku taal magaalada Orlando, gobolka Florida ee dalka Maraykanka.
Cumar Cabdirashiid oo ku sugan Washington ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ku sheegay in ay dawladda Mareykanka ay uga tacsiyadeynayaan falkaas.
“Arrin aad iyo aad looga naxo weeye, waa arrin maalin kasta aan wajahno, dal ahaan iyo dad ahaan aan la tacaalno, maalin kasta hotel ayaa dad loogu galaa oo lagu laayaa. Fikir argagixiso oo qaldan oo aan diin salka ku heyn weeye, waana wax caalamka oo dhan ka dhaca. Dawladda Mareykanka waa uga tacsiyeyneynaa, aad baanna u dhaleeceynaynaa [falkaas]”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.
Mar wax laga weydiiyey arrimaha doorashooyinka iyo waxyaabaha u haray ayuu sheegay shirka soo socda ee Baydhabo ka dhacaya 20-ka Juun in lagu dhameystiri doono qorshayaasha doorashooyinka, liiska odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka, ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada iyo sidii amnigii caasimaddaha ay doorashadu ka dhaceyso loo diyaarin lahaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la sameeyey guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer gobolba, kuwaas oo uu xusay in tababaro loo furayo.
Mar la weydiiyay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha ayuu ka gaabsaday, isaga oo tilmaamay in uu dib ka soo sheegi doono waqtigeeda.
The post RW Cumar Cabdirashiid: Dawladda Soomaaliya waa ay ka xun tahay toogashadii Orlando appeared first on Puntland Post.