Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

MUQDISHO: R/Wasaare Saacid oo Guddi u saaray Mawjado dilal ah oo ka dhacaaya Magaalada Muqdisho.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Waxaa isa soo taraaya dilalka loo geysanaayo dadka rayidka ah hadana lasoo dhigaayo maydkooda Xaafadaha iyo Wadooyinka Magaalada Muqdisho, Waxayn arintan walaac Iyo Cabsi xoogan ku abuurtay qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Muqdisho, Iyadoo hameeno ka hor mid kamid ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho lasoo dhigay Sadex dhalinyaro ah oo si arxan daro ah loo diley arintan ayaa kacsanaan xoog leh ka abuurtay Magaalada Muqdisho.

sacid

Kulankii Caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya oo maanta looga hadlay wax yaabo kala duwan oo la xiriira Horumarka Dalka maanta lagu falanqeeyey ayaa hadana waxaa si gaar ah diirada loogu saaray dhacdooyinkan soo noqday ee ka dhacaaya Magaalada Muqdisho, wuxuuna R/Wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya u saaray Gudi heer wasiiro ah oo uu gudoomiyey u yahay Wasiirka Garsoorka C/llaahi Abyan Nuur si ay baaritaan ugu sameeyaan halka ay sartu ka qurunsan tahay iyo sida wax looga qaban karo dhacdooyinka mawjadaha dilalka ah ee Gilgilay qalbiga umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada Muqdisho.

R/Wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo warbaahinta la hadlay ayaa  muujiyey sida uu ugu xun yahay falalkan arxan darada ah ee ka dhacaaya Magaalada Muqdisho wuxuuna tilmaamay inay arintani xanuun badan ku hayso Madaxda ugu saraysa Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna wax laga sii xumaado in la arko maxaabiis u xirnayd Dawlada Soomaaliya oo maydkooda lasoo dhigo Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Labo Maalmood ka hor ayaa Maxabiis ku xirnayd Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho waxaa mayd kooda laga helay Xaafadaha Magaalada Muqdisho taas oo layaab ku noqotay umadda Soomaaliyeed, waxayna dad badan su’aal geliyeen hadii ay Dawladu sugi wayday amaankii maxaabiista u xiran awooda ay ku sugi karto Dadweynaha kale ee Soomaaliyeed.

puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>