Muqidisho: (pp)- kulankani oo ay ka soo qeyb galeen safiirrada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay xaladaha ammaanka iyo siyaasada dalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xaaladda dalka oo ay ka mid ahayeen horumada ay gaartay dowladda Soomaaliya iyo sii loo amba qaadi lahaa shir dhowaan la filayo in uu ka dhaco magaalada London ee caasimada wadanka UK kaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalkeena.
marka uu soo idlaaday kulanka ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Marwo Foowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waxa ayna sheegtay in u jeedada kulanka uu ahaa mid looga arinsanayay xaalada dalka, dowladane loogu hambalyeynayay guulaha ay gaartay waxa ayna intaasi raacisay in uu hordhac uu u yahay shir la filayo in bisha soo socoto in uu ka dhaco dalka Ingiriiska
Sidoo kale waxaa isna warbaahinta la hadlay Nikey oo ah agaasimaha Wasaaradda arrimaha dibada Biritan ee dhanka Africa, waxaana uu ka war bixiyay muhiimada kulankani, isagoo tilmaamay in ay beesha caalamka cusboneysiineyso joogitaanka Ciidamada AMISOM muddo hal sano ah, Taageerada UN-ka ee Soomaaliya iyo sidoo kaleTaageerada ay beesha caalamka taageereyso Soomaaliya.
Kulankani ay maanta la qaadatay Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada wafdiga ka socday beesha caalamka ayaa waxaa uu ahaa mid horudhac u ah shir lagu wado in bisha May uu ka furmo wadanka Biritan kaasi oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Isha Warkan Warbaahinta Dawlada Federalka ah
Puntlandpost.com