Adis ababa-(Puntland Post) Ra’iisulwasaaraha Dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo booqasho ku jooga Dalka Ethiopia ayaa magaalada Adis ababa kula kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.
R/wasaaraha Ethiopia ayaa ku lanka kadib sheegay in xukuumaddiisu ay Dowlada Soomaaliya ka taageerayso sidii dib loogu dhisi lahaa awoodda ciidanka Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka guud ee dalka.
Sidoo kale Hailemariam ayaa xusay in Ethiopia ay ka go’an tahay inay ka caawiso Soomaaliya wixii ay u baahan yihiin oo ay awoodaan, si dalka iyo ciidamada loogu sameeyo dib u dhis dhameystiran.
“Inkastoo ciidamadeena qaybta ka ah hawl-galka AMISOM ee Soomaalia, ay ka shaqeeyeen sidii Ammaanka loo xoojin lahaa, haddana waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso ciidamada Soomaaliya si ay amniga Waddankooda u xaqiijiyaan,” ayuu yiri Hailemariam Desalegn.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaal Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa ku ammaanay Ethiopia kaalinta ay kaga jiraan la dagaalanka Al-shabaab.
“Dowladda Ethiopia waxay gacan ka geysanaysaa sidii Dowlada Soomaaliya ay u xasili lahayd, waana mid aan ku ammanayno kaalintooda muuqata,” ayuu yiri R/wasaare Sharma’arke.
PUNTLAND POST
The post R/wasaarayaasha Soomaaliya iyo Ethiopia oo ku kulmay Adis ababa appeared first on Puntland Post.