Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXXIII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

HM
KHilaafaadka dhex yaal dowladda cusub markaad aragto, iyo sida xubnaha is haya qaarkood u guracanyihiin, hadana ay u ogyihiin inay guracanyihiin laakiin ay ugu adkaysanayaan waxaad is oran lahayd malaha dadkan qaar baan Soomaali ahayn!….waayo waxaad ku wareeraysaa qofkaas wuxuu rabo, waa dan ummadeed ma aha, sharci ma aha, maan gal ma aha, oo waa hagaagee muxuu rabaa?! Wuxuu ka hor imanayaa sabab kasta oo maslaxaddii dalka ay ku jirto waliba si ogaan ah, bal maxaad ku sheegtaa?….

 

Waa mararkaas oo keliya marka aad ogaanayso in gacmo bannaanka ah ay arrimaha Soomaalida ku jirin, sidii ay safaaradda Maraykanka ula shirtay xubnihii dowladda ka soo hor jeeday waxaa aad u soo baxayay khilaafaad aan dhamaad lahayn oo markii mid laga gudbo mid cusub la gelayo,  dhinicii madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha maalin kasta wax bay ka tagayeenoo ka tanaazulayeen, maalin kasta marti qaad iyo sasabid buu waqtigii kaga dhammaaday, SHariif Xasan SHiikh Aadan wuxuu si aan qarsoodi ahayn markii dambe ula saftay Qabqablayaashii Muqdisho ka soo jeeday oo iyagu sida ka muuqatay rabay dowladdaas in la eryo oo mid cusub oo ay iyagu wataan la keeno wax intaas ka hooseeyana aan ku qanacsanayn……

 

Maalin baan SHariif Xasan ku booqday hotelkii uu deggennaa ee The Grand Regency, waxaan malayniyaa inay ahayd markii labaad oo aan la kulmo, waxaan ku iri “SHariif aad baad u nasiib badantahay laakiin waxaan ka baqayaa inaad nasiib xumaato, sababta oo ah, nin dhallin yaro ah ayaad tahay, Soomaaliya oo badbaado u baahan baad taladeedii nasiib u yeelatay inaad qayb muhiim ka maamusho, marka, haddee dadkaas iyo dalkaas dayacan haddii aad wax ka badbaadiso waxaad noqonaysaa nin aad u nasiib badan oo aduun iyo aakhiro labadaba guuleystay, laakiin haddii aad burburkiisa ka qayb qaadato….xoog aad leedahay kuma aadan imaan, si dhib oo aan la filayn baad ku timid, marka intaad fursaddaas ka faa’idaysato oo aad ka dhex baxdo dadkaan waxay isku haystaan aan la aqoon, maanta codkaaga dadkaas ugu adeeg oo intii karraanka ah isku day inaad waxaad badbaadin karto badbaadiso!”

 

SHariif Xasan SHiikh, runtii jawaab fiican buu i siiyay wuxuuna igu yiri “Annaka waan dadaalaynaa, wixii aan samayn karno aan samaynaynaa, dadkaan waa iska dhib badanyihiin.” Runtii hadal xun ma ahayn inkasta oo aan ogaa inuusan xaqiiqda ku qotomin, waxaan ka fogaanayay inuu u qaato in lay soo diray, iskumana dayin inaan intaas ka badan hadalka la sii wado, isaguna dhowr jeer oo aan ula sheekaystay si aan muujinayo dareenka iyo xanuunka ay uga hayaan dhibaatada dadkayga iyo dalkayga haysata wuxuu hadalka iigu soo koobayay “Waan Dadaalaynaa!” dadaal aanan marna ka arag!…..

 

Waxaa jiray lacago ka imanayay Suuqa Bakaaraha, oo iyagu laftooda soo gaarayay Gudoomiyaha barlamanka, waxaa jiray fariimo joogta ah iyo talooyin ka imanayay safaaradda Maraykanka oo iyadu si weyn u diidanayad madax-weynaha la soo doortay, waxaa isagana marar badan ay qaar ka mid ah waziirrada iyo xil-dhibaannada ku eedayniyeen in Ibraahim Bur-Saliid oo ahaa ninkii shirka Mbagathi wakiilka uga ahaa Maraykanka uu si shakhsi ah uga qayb qaadnayay dhiiri gelinta in laga hor yimaado dowladda, waxaana jiray hal-hays markii dambe sii xoogaysanayay oo aan is iri malaha SHariif Xasan himadaas baa gashay… oo waxaa Qabqablayaasha Muqdisho iyo Ibraahim labadaba laga soo sheegay inay SHariifka Xasan u sheegeen inuu Muqdisho sal-dhig ka dhigtay muddo 90 casho ah haddii ay dowladu ku imaan waysana uu mooshin ku rido  madax-weynaha iyo golaha xukuumadda, si dhaqsa ahna doorasho u qabto 3 bilood gudahood…..

 

Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf iyo golihii xukuumadda oo uu hor kacayo Cali Max’ed Geedi waa ku adkaatay in dowladdu sal-dhig ka dhigato Muqdisho, waxay bilaabeen inay ka fekeraan meelo kale oo dalka ka mid ah, siiba aad niyad jabeen markii ra’iisal wazaare Geeddi intuu Muqdisho tegay isagoo ka khudbayniya gigada kubadda cagta lagu qarxiyay meeshii ka hadlayay….DHinaca kale Qabqablayaashii Muqdisho waxay bilaabeen shirar ay ku sheegayaan in dowladdu ay Muqdisho timaado, inaysan sharci ahayn inay meel kale degto sida ku cad cahdi, inay ammaanka sugayaan oo iyagu balan qaadayaan ammaanka dowladda sidaas daraadeedna aan loo baahnayn ciidamo shisheeye….

 

SHariif Xasan SHiikh oo isagana Muqdisho intuu tegay si aad u weyn oo lala yaabay loogu soo dhoweeyay baa dhiniciisa dowladda ugu baaqay inaysan meel kale aadin, wuxuuna Muqdisho ku tilmaamay meel ammaan dowladuna ay ku shaqayn karayso, wuxuuna ku celceliyay sida caadadiisu ahayd in sharciga la ilaaliyo, in la raaco sida uu qorayo cahdiga lagu heshiiyay oo ah in dowladdu ay caasimmaddda degto oo ku shaqayso……Wax kasta oo ay sheegayeen SHariif Xasan iyo ragga ay xulufada ahaayeen ee Qabqablayaashii ka soo jeeday ahaa oo la xiriiiray ammaanka Muqdisho waxaa ka weynaa wallaaca ay xaaladda Muqdisho ka muujiyeen guddigii xaqiiqo raadinta ku tegay, taasoo ay IGAD iyo Midowga Afrika u arkayeen xaqiiqda ka jirta Muqdisho, siiba sal-dhigyada ciidammada wadaaddada ay ku lahaayeen Muqdisho….illaa iyo waqtigaas wali cidna kama war hayn wixii ay ku shireen safaaradda Maraykanka iyo kooxdii SHariif Xasan Af-Hayeenka uu hor kacayay!…

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXXIII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>