Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Daawo Sawiro: Malala Yuusuf oo Booqatay Xeryaha Qoxootiga Ee Dhadhaab.

$
0
0

Dhadhaab(Puntlandpost)-Gabadha heysata abaal marina Nobel ee lagu magacaabo Malala Yousafzai una dhalatay Pakistan una ololeysa arimaha waxbarashada ayaa haatan booqasho ku joogta xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Malala ayaa ku qaadanaysa maalinta dabbaal dagga dhalashadeeda 19aad gudaha Kenya iminka gaar ahaan xeryaha Dhadhaab oo qaxootiga ugu badan ee kunool ay Soomaali yihiin.
Booqashada Malala ee Dhadhaab ayaa imaanaysa ayadoo uu jiro cadaadis lagu doonayo in lagu xiro xeryahaa.

Afhayeen u hadlay Malala ayaa sheegay in ay khadka Skype kala soo xiriirtay gabdho iskooley ah oo ku sugan Dhadhaab ka hor intii aysanba halkaa maanta soo caga dhigan. Sidoo kale waxa uu sheegay in tan iyo sanadkii hore ay gabdhahaa kula soo xiriireysay khadka internetka.

Haatan ayaa waxaa la filayaa inay la kulmi doontoo kooxdaa gabdhaha ah iyo kooxo kale oo arday ah ayadoo meelo kala duwan oo xeryahaa ah booqan doonta.

Malala Yousafzai waxaa booqashadeeda xeryaha Dhadhaab ku wehlinaya aabaheyd Ziauddin Yousafzai.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa kunool qaxooti tiradoodu sare u dhaaftay 300 kun kuwaasoo badankoodu kasoo qaxay Soomaaliya colaadaha iyo abaaro aawadood.

2 3 4 5 6 7 1

Kayse Muse Ali

Punlandpost

Garowe

The post Daawo Sawiro: Malala Yuusuf oo Booqatay Xeryaha Qoxootiga Ee Dhadhaab. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>