Kismaao(Puntlandpost) — Kulan looga hadlayay siyaasadda qaran ee amniga oo magaalada Kismaayo uga socday dowladda Soomaaliya iyo Jubaland ayaa lasoo gabagabeeyay, ayadoo kulanka la isku afgartay in si wadajir ah la isaga kaashado arimaha nabadgelyada dalka.
Kulankan oo u dhexeeyay wafdi ka koobnaa wasiirro iyo saraakiil ciidan oo uu hogaaminayay raysul wasaare kuxigeenka dalka Mudane Max’ed Cumar Carte iyo masuuliyiinta Jubaland oo isugu jiray madaxda ugu sareeysa ee maamulka iyo saraakiisha ciidan, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa arimaha nabadgelyada.
Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam isagoo sheegay in wadahallada dhexmaray labada dhinac ay ku saabsanaayeen arimaha amniga.
Waxa uu xusay in amnigu yahay shey muhiim ah, una baahan in si dhab ah loo wajaho islamarkaana laga miro dhaliyay arintaa oo uu tilmaamay in ay tahay mid macno badan u sameeyneeysa shacabka Soomaaliyeed.
“Madasha hogaaminta qaran ee laga hadlayo hala saaro culeeyska amniga, amniga dadka ku hoowlanna hala taageero,” ayuu madaxweeynaha hadalkiisii raaciyay.
Waxa uu ku dhaliilay dowladda Soomaaliya in ay ka gaabisay kaalintii ay ku lahayd sugidda amniga dalka, islamarkaana hay’adaha ka shaqeeya arimaha amniga dalka ay soo dhaafi waayeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Raysul wasaare kuxigeenka dalka Mudane Max’ed Cumar Carte oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay culeeyska saareeyso sidii ay u dhisi lahayd ciidamada xoogga dalka
Soomaaliya si ay kuwa AMISOM ugala wareegaan amniga guud ee dalka.
Waxa uu xusay in marka la gaaro 2020 wixii ka danbeeyo uu qorshaha yahay in AMISOM ay dalka isaga baxdo, isagoo xusay in kahor la doonayo in xoogga la saaro dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh hanashada ammaanka dalka.
Dhinaca kale, Raysul wasaare kuxigeenka iyo wafdigii ku wehlinayay safarkiisa Kismaayo oo ay kamid ahaayeen Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Xayir (Maareeye), Taliyaha nabadsugidda dalka Gen. C/laahi Gaafoow Max’uud, taliyaha ciidamada booliska dalka Gen. Max’ed Xasan Xaamud iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa kormeeray xero uu tabababar uga socdo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda Jubaland.
Raysul wasaaraha oo goobtaa kula hadlay ciidamada ayaa ku booriyay in ay u dhabar adeeygaan tababarrada ay qaadanayaan, wuxuuna xusay in laga doonayo in ay badbaadiyaan dalkooda iyo shacabkooda, wuxuuna ballan qaaday in ciidamadu heli doonaan xuquuqdooda.
Kayse Muse Ali
Punlandpost
Garowe
The post Madaxweynaha Jubaland Oo DFS Ku Ee Deeyay Inay ka Gaabisay Sugida Amniga Dalka. appeared first on Puntland Post.