Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Siyaasi Cali Xaaji Warsame Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax U Tartamaya Madaxtinimada Somaliya 2016.

$
0
0

Lusaka, Zambia (Puntlandpost) – Cali Xaaji Warsame ayaa kaga dhawaaqay dalka Zambia in uu yahay musharax u taagan Madaxweyne-nimada Soomaaliya, isagoo horey u soo noqday Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta sare ee Puntland.

Musharax cali xaaji warsame ayaa hadda booqasho ku jooga dalka Zaambiya wuxuuna la kulmay Waxgaradka, Ganacsatada iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas, isagoo kala hadlay arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo sidii ay kaalin muuqata uga gyesan lahaayeen Isbedel Siyaasadeed oo ka dhaca Soomaaliya.

Cali xaaji warsame oo la hadlayay taageerayaashiisa ku nool magaalada caasimada Zambia ee Lusaka wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya ay xiligan marayso, waxaana uu si gaara carabka ugu dhuftay sida loogu guuldareystay in wax laga qabto arrimo badan oo ay ahayd in la hirgaliyo 4-tii sano ee lasoo dhaafay doorasho ku salaysan hal qof iyo hal cod inay ka dhacdo gudaha dalka.

Musharax Cali Xaaji wuxuu kaloo cadeeyey in ay lagama maarmaan tahay in uu yimaado Isbedel mug weyn oo la yimaada tub-toosan oo wax looga qabanayo Soomaaliya, dib u dhiskeedana gacan weyn ka geysan doona.

Waxgaradkii, Ganacsatadii iyo qeybaha bulshada ee ka hadlay madasha ayaa soo dhaweeyey musharaxnimada Cali Xaaji Warsame, waxayna si cad u sheegeen in ay ku faraxsan yihiin taageerina doonaan Isbedel in uu yimaado, iyagoo xusey in ay rajo wanaagsan ka qabaan in uu Cali wax badan ka qaban doono xaaladda Soomaaliya ay maanta kusugan tahay.

Soomaaliya ayaa hadda galaysa marxalad doorasho, waxaana lafilayaa in sanadkan 2016-ka uu noqdo tartan la galo baratan adag oo siyaasadeed, kaas oo ay ku hardami doonaan Madaxda Siyaasadeed ee dalka, si gaar ah sannadkan waxaa isku arki doona shaqsiyaad dhamaantood horey loo soo tijaabiyey ooaan ku cusbaneyn Masraxa Siyaasadeed.

Kayse Muse Ali

Punlandpost

Garowe

The post Siyaasi Cali Xaaji Warsame Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax U Tartamaya Madaxtinimada Somaliya 2016. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>