Garoowe: (pp)- Wasiirka Warfaafinta Dowlada Puntland oo maanta shir jaraa,iid ku qabtey magaalada Garowe ayaa ku eedeyey Gen.Cade Muuse Puntland inuu ka wado qalalaase siyasadeed iyo nabadgelyo xumo.
Eng Maxamud Caydiid Dirir waxa uu sheegey in Madaxweynihii hore Gen Cade uu wado kicinta fowdo iyo xasarad uu doonayo in uu ku oogo xilli Puntland ay ka socoto barnaamijyo lagu horumarinayo Nabadgalyadeeda iyo Mustaqbalkeeda .
Wasiirka Warfaafintu waxa uu si gaar ah u xusey in Gen Cade uu doonayo sidii ku majo xaabin lahaa hanaanka Xisbiyada badan oo si habsami leh uga soconaya Puntland.
Ugu danbeyntii Eng Caydiid waxa uu sheegey in Dowlada Puntland uga digeyso ololaha uu wado Gen Cade, isagoona sheegey wasiirku in uu qaadayo masuuliyadeeda iyo cawaaqib xumada ka timaada hadii uu kusii jiro Gen Cade.
Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.