Muqdisho: (pp)- Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamed ayaa ka dhoofey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International, waxaana sida la sheegey waftiga Madaxweynuhu kusii jeeda Dalka Jaban oo ay uga qeyb gali doonaan shirkii shanaad oo looga hadlayo horumarinta Africa .
Dowlada Jaban ayaa todobaadka ugu horeeya bisha June qabaneysa shirkan oo loogu yeero Tokyo International Conference on African Development (TICAD) ,Iyadoona ajandayaasha shirka kuwooda ugu waaweyn lagu soo qaadayo arrimaha Somalia .
Afhayeenka Madaxweynaha DF Eng Yariisow oo saxaafada uga waramey safarka Xasan Shiikh ayaa sheegey in uu la xiriiro caasumaad rasmiya oo uu ka helay Ra,iisal wasaraha Japan Shinzo Abe.
Dalka Jaban ayaa ka mid ah dalalka deeqaha ay bixiyaan si toos ah usoo gaarsiiya Dowlada Federaalka Somalia , iyagoona aan cidna usoo marsiin , sida ay marar badan ka dhawaajisey Madaxda Dowlada Somalia.
Puntlandpost.com
Muqdisho.