Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kenya: Madaxweynaha Faroole iyo Wafti uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Nairobi.

$
0
0

Nairobi: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole iyo Waftigii uu hogaaminayey oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilko-jiir) ayaa gaarey magaalada Nairobi xarunta wadanka Kenya.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Jaaliyada Puntland ee Nairobi iyo Xubno ka tirsan diblumaasiyiinta beesha caalamka ee Nairobi ku sugan, iyadoona loo galbiyey halkii loogu talo galey ee ay degi lahaayeen.

Safarka Madaxweyne Faroole ku tagey Kenya ayaa la xiriir caasumaad uu ka halay Dowlada Kenya sida uu Madaxweynuhu saxaafada ugu sheegey gudaha garoonka diyaaradaha Garowe ka hor intii uusan dhoofin.

Mudane Faroole ayaa sheegey in safarkiisu la xiriiro danaha Puntland iyo siyaasadda cakiran ee ay ku sugan tahay siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan arimaha Federaalismka.

Safarka Kenya uu ku tagay Madaxweyne Faroole ayaa noqonaya safarkiisii ugu horeyey ka dib muddo 8 bilood ah oo uusan Madaxweynuhu dalka ka bixin, midaas oo ku micneeyey Faroole inay la xiriirtey siyaasada gudaha, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo dalka ka jiray.

Socdaalka Madaxweynaha Puntland ee Nairobi oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayaa noqonaya mid si kedis ah maanta looga war helay , ka dib markii Madaxtooyada Puntland saxaafada uga yeertey garoonka oo uu madaxweynuhu kula hadley, wuxuuna imaanayaa safarka xilli ay siyaasada wadanka qeyb ka mid ah ka jirto kacsanaan iyo is mari waa adag, iyadoona dad badan ku fasirayaan inuu safarka la xiriiro garab istaaga iyo taageerada puntland ee mataanaha Jubaland iyo Puntland.

Puntlandpost.com
Nairobi Kenya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>