Boosaaso: (pp)- Shir ey soo qaban-qaabsheen Bulshada Reer Bossaso oo ujeedadiisu aheyd Taageerada loo hayo Jubalanad, Iyo Fariin loo gudbinayay Dowlada Soomaaliyeed/ Madaxweyne Hassan. Ugu horeyn Shirka waxaa furey Sakariye Isticmaar, oo ka warbaxshey Ujeedada shirka isagoo tilmaamey sida ey uuga goan tahay taageerida Maamulka Jubalanad Iyo Madaxda loo doortey Maamulka Jubaland, Sakariye ayaa sidoo kale ka hadley Arrimihii Dowlada Soomaaliya laga sugayay, sida Baahinta Dastuurka, Sugida Amniga, Tayeynta Waxbarashada, Waxqabadka Arrimaha Bulshada, Iyo Dhismayaasha kaabayaasha dhaqaale, nasiib-daro Dowladii waxa ey ku mashquushey Kismaayo oo ey ka dhigatey Agenda qaran, xili baahida dowladnimo loo qabo ey badatay.
Sakariye waxa kaloo yiri anigu kalsoonida waan kala noqdey dowlada, Xildhibaanada Puntland ee Dowlada Soomaaliya waxaan lee yahay waa inaad Puntland ku soo noqotaan si looga tashto mustaqbalka Soomaaliya. Waxaa hadalka qaatey Caaqil Catoosh, waxana uu caaqilku taageerey maamulka Jubalanad Iyo Madaxda loo doortey, Catoosh ayaa goobta ka sheegey fariin ku socota Dowlada Soomaaliya isagoo yiri waxaa tihiin Dowladii Soomaaliya waxaan idin sheegeynaa inaad Jubalanad dhibka ka deysaan, hadii aad Siyaasada wax ka badali weydaan Soomaali waa kala tashaneysaa.
Nabadoon Xarago ayaa isna booriyay Maamulka cusub ee Jubaland isagoo sheegey in shacabka Jubalanad ey xor u yihiin iney dhistaan Maamul, Nabadoon Xarago, waxa uu yiri, Dowlada waxaan ka codsaneynaa iney taageerto Jubalanad, Nabadoon Bilaal, ayaa isna goobta ka hadley, isagoo ku dheeraadey sida Soomaali ugu han-weyneyd Dowladan, balse aad moodo iney lumineyso
kalsoonidii shacabka waa sida uu yiri nabadoonka. Nabadoon Cabdi Bashiir Axmed Dheere, ayaa taageerada Jubalanad ku tilmaamey mid mudan tixigalin, isagoo hadalka sii wata waxa uu yiri, Dowladeenu waa Federal waxaa waajib ah in aan ixtiraano waxii aan ku hishiiney, Dowlada Soomaaliya ha tix-galiso waxii lagu hishiiyay.
Beeldaaje Yaasiin Cali Faarax, ayaa isna goobta ka hadley, isagoo amaan Iyo bogaadin ujeedshey Shacabka Jubalanad sida ey u dhisteen Maamulkooda, waxana uu kula dar-daarmey iney midnimo muujiyaan, Beeldaajaha ayaa ka codsadey Dowlada Soomaaliya iney taageerto rabitaanka Shacabka waxa uu yiri Ummada Soomaaliyeed dhibaatada Allah ka dulqaado.
Puntlandpost.com