Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

War Saxaafadeed: Dowlad Federaalka Soomaaliyeed oo ku fashilmatay tixgelinta rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Goboladda Jubbaland

$
0
0

ixraax: PDF/011154 Taariikh: May 28,2013

www.puntlanddiaspora.org

mediarelations@puntlanddiaspora.org

Dowlada Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay ku timid wada-tashi, wada-shaqayn iyo iskaashi dhexmaray Dowladii hore ee kumaalgaarka ahayd iyo maamul goboleedyadii iyo ururadii siyaasadeed ee dalka markaasi ka jiray, taas oo keentay in la qoro lana ansixiyo axdi qarameedka dalka iyo in dalka laga saaro kumeel gaarnimadii loona gudbo dowlad rasmi ah. Sidaa awgeed waxaa masuuliyiinta xukunka dalka maanta haya looga fadhiyay inay wax walba ku dul dhisaan guulahaas, sii xoojiyaan xiriirka u dhexeeya DFS iyo maamuladda kale ee dalka ka jira, tixgaliso oo ilaaliso axdiga qaranka, dardarna geliso hirgelinta qaabka Federaalka ah ee lagu heshiisay inuu noqdo midka dalka lagu dhaqayo.

Goloha Qurbojoogta Punland (PDF), War-saxaafadeed Jubbaland iyo Dawladda

Goloha Qurbojoogta Punland (PDF), War-saxaafadeed Jubbaland iyo Dawladda

Nasiib daro waxaa muuqata in dowladda maanta xukunka haysa ay ku fashilantay, dhinac martayna dhamaan qodabadaas kor ku xusan taas ayaana keentay in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku hungoobeen hankii weynaa ee ay u hayeen dowladaan.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa looga fadhiyay inay dalka xorayso, midayso, doorashooyin xor ahna u diyaariso dalka. Nasiib darro waxaad moodaa inay juhdi iyo dhaqaale badan ku bixinayso caburinta rabitaanka shacabka, taasna waxaa tusaale ka ah sida ay ula dhaqmayso shacabka Goboladda Jubooyinka.

Maamul Goboleedka Jubooyinku waa mid ku yimid rabitaanka shacabka Jubooyinka, waafaqsanna Axdi Qarameedka Federaalka Soomaaliyeed, sidaa awgeed, waxay ahayd in dowlada Federaalku soo dhawayso maamulkaas cusub si markaasi kalsooni iyo jawi wada shaqayn loo helo.

Waxaa Gollaha PDF Masuuliyiinta dowladda Federaalka ah ku waaninayaa inay saxaan khaladkooda siyaasadeed ee ku wajaha Maamulka curdinka ah ee u dhashay reer Jubbaland, kaas oo uu hadii uu hano qaado saamixi doona in gobolada Jubooyinka laga xoreeyo Al-Shabaab, la sugo nabadda iyo horumarka deegaamadaasi, taasoo u saamixi doonta boqolaalka kun ee reer Jubbaland ah ee 22 sano ka badan ku xanibnaa xeryaha qaxooti ee Ifo, Dhadhaab, iyo Xagar dheer inag guryahoodii si nabad ah ugu soo noqdaan.

Waxaa Gollaha PDF dowladda Federaalka Soomaaliyeed uga digayaa inay kalsooni badan ku wayn doonto hadii aysan ka waantoobin kala qaybinta, isku dirka iyo hurinta khilaafaadka aan lagu xamdin doonin ee ay ka wado Gobolladda Jubooyinka. Waa in Masuuliyiinta Dowladda Federaalku la fariistaan is afgaradna ku dhameeyaan wixii iyaga iyo maamulka cusub ee Jubbaland dhex yaal, ogaadaanna in dowladda iyo dalkuba uu dadka Soomaaliyeed ka dhexeeyo sidaa awgeed, aysan socon Karin dowlad aan haysan kalsoonida shacabka iyo wada shaqaynta maamul goboleedyada dalka ka jira.

Gollaha PDF wuxuu ugu hambalyaynayaa Madaxda Maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland sida deganaanta iyo masuulnimadu ku jirto ee ay uga jawaabeen, welina diyaar ugu yihiin wada hadal iyo wadashaqayn dhexmarta maamulkooda iyo kan dowlada Fedraalka Soomaaliya ee ay xubinta ka yihiin.

Guddiga Xiriirka Bulshada iyo Saxaafada ee Ururka Qurbo Joogta Puntland (PDF)

mediarelations@puntlanddiaspora.org

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>