Nairobi: (pp)- Madaxweynaha Puntland Dr, C/raxmaan Faroole, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Nairobi, isagoo waqti aad u dheer ay ku sugayeen guddaha Airporka Jomo Kenyata Airport, Madaxweynaha DF ee Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladiisa , Yuusuf Garaad oo aan la aqoon dowlada Xasan Sheekh meesha uu kaga jiro, Safiirka Nairobi u fadhiya Soomaaliya Kenya Cali Ameerika iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya.
Daawo Video
Madaxweynaha ayaa u muuqday soo dhoweyntiisa mid aad u saraysa, waxaana banaanka garoomka markii usoo baxay si farxad leh u gacan qaaday muwaadiniin reer Jubbaland ah oo u arka inuu taageero xoogan siiyey , waxaana soo dhoweyntiisa ka qayb qaatay ganacsata Puntland , Xildhibaano Puntland ugu jira Dowlada dhexe ee Soomaaliya, jaaliyada Puntland ee ku shaqan Nairobi.
Madaxweynaha Puntland ayaa shacabkii Reer Jubbaland iyo Puntland ee soo dhoweeyey ayaa wuxuu ku salaamay ” Soomaaliya ha noolaato, Puntland hanoolaato, Jubbaland ha noolaato”
Soo dhoweynta Faroole ee magaalada Nairobi iyo sida loo soo dhoweeyey ayaa laga garan karaa miisaankiisa siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Puntland-na uu ku leeyahay, waxaana madaxweynaha wejigiisa laga dheehan karaayey farxad iyo sida taageerayaashiisa ay ugu soo dhoweeyeen Nairobi.
Safarka madaxweynaha Puntland ayaa qaadanaya maalmo, isagoo la kulmaya safaaradaha shisheeyey ee caalamka oo ay ku jiraan dowladaha Kenya iyo Ethiopia, wuxuuna halgan adag ugu jiraa Dacwad ka dhan ah DF ee Soomaaliya , kaddib markii ay bedeshay Axdigii Qaranka Soomaaliya ee Qalinka horay loogu duugay iyo DF ee Soomaaliya oo Xasan hogaaminayo oo is hor istaagtay Maamulka Cusub ee Jubbaland State, isla markaana lagu doortay Madaxweyne Axmed Islaam iyo Gen. Farataag.
Puntlandpost, Nairobi, Kenya