Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo Casho Sharaf u sameeyay Xulka Kubadda Cagta Puntland

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa caawa 31 July, 2016 casho sharaf soo dhoweyn iyo dhiirri gelin isugu jira Hotel Jubba ee magaalada Garoowe ugu sameeyey xulka kubbadda cagta Puntland.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirro, Xildhibaano, xiriirka kubbadda cagta Puntland, kooxaha fanka Puntland oo ay ka mid yihiin kooxda Mahuraan Band iyo Kaah Star oo madasha kusoo bandhigay heeso ay gundhig uga dhigeen dhiirri gelinta ciyaaraha iyo qiimaha waddaniyadda.

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo madasha cashada hadal ka jeediyey ayaa  sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha ay kooxdaani u soo hooyeen Puntland isla markaana waxa uu ku boorriyey in ay dedaalkooda sii wadaan.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ammaan iyo bogaadin u diray xulka kubbadda cagta Puntland, waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin halyeeyo aan la illoobi doonin, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ammaanay Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo qayb weyn ka ahayd guushaan ay gaareen xulka Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu si gaar ah u carra-baabay Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabddalla Tigaana oo Madaxweynuhu uu ku tilmaamay shaqsi  ma- daale ah.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu xusay in ay dawladda Puntland abaal marin doonto xulka kubbadda oo Puntland u soo hooyey sharaf iyo karaamo isla markaana noqday xiddigo aan ka bixi doonin quluubta shacabka Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_1900

IMG_1903

IMG_1907

IMG_1918

IMG_1939

IMG_1950

IMG_1955

IMG_1956

IMG_1957

IMG_1958

IMG_1961

IMG_1969

IMG_1972

IMG_1976

IMG_1980

IMG_1984

IMG_1987

IMG_1989

IMG_2011

IMG_2021

IMG_2029

IMG_2035

IMG_2046

IMG_2053

IMG_2058

IMG_2062

IMG_2067

IMG_2073

IMG_2075

IMG_2077

IMG_2078

IMG_2080

IMG_2080

IMG_2081

IMG_2084

IMG_2088

IMG_2089

IMG_2093

IMG_2099

IMG_2100

IMG_2105

IMG_2108

IMG_2113

IMG_2117

IMG_2128

IMG_2130

The post Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo Casho Sharaf u sameeyay Xulka Kubadda Cagta Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>