Shirkada isgaarsiinta Golis oo ah shirkada ugu weyn xaga isgaarsiinta Puntland iyo guud ahaan Somalia ayaa door muhiim ah ka qaadatay soo dhowayntii shalay Garowe loogu sameeyey Xulka Kubbadda Cagta Puntland.
Masuuliyiinta xafiiska suuq gaynta Golis ee Gobolka Nugaal ayaa muujiyay kaalinta shirkaddu kaga jirto horumarinta isboortiga Puntland, , Xilli ay juhdi ku bixisay shirkaddu sidii maamuus iyo soo dhaweyn heer sarre ah loogu sameyn lahaa dhalinyaradda xulka kubbadda cagta ee koobka kala soo noqotey Muqdisho.
Sidoo kale intii lagu jiray tartankii Muqdisho waxay shirkada Golis la daba joogtey xulka Puntland taageero lagu dhiiri galinayo ciyaartoyda .
Daawo Sawiradda
Abshir Xaaji Abdulaahi
Xafiiska Wararka Garowe
PUNTLANDPOST.COM
The post Golis oo ka qeyb-qaadatay soo dhowaynta xulka kubbada P/land appeared first on Puntland Post.