Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22950

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii- L VI) 56aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

suufi
Marka hore waxaa in la cadeeya ay tahay in ciidammada Itoobiyaanka ah ee Baydhabo soo galay bishii September 26dii, 2006, aysan ku imaan  ammar ay ka heleen Midowga Afrika, ama IGAD, ama Qarmmada Midobay, laakiin sida la rumaysanyahay waxay ku yimaadeen ammar ay ka heleen dowladda Maraykanka oo markii la jabiyay raggii u qornaa ee Qabqablayaashii Muqdisho isla markiiba hawl geliyay  ciidammada Itoobiya. Waxayna taas runtii daliil cad u ahayd inaan lagu talo gelin in ciidan Soomaaliyeed dhismo, ciidammada Itoobiyaanka intaysan immaan Baydhabo dowladda waxaa difaacayay ciidamo Soomaaliyeed oo aad uga tiro yaraa ciidammada Maxkammadaha oo laga kala keenay Puntland, gobolka Bay, iyo gobolk Gedo, laakiin laguma talo gelin in ciidanka dowladda qalab ama hub la siiyo.

 

Markii ciidammada Itoobiyaanka ay magaallada Muqdisho ka qabsadeen Maxaakimta Islaamiga, December 28dii, 2006, waxay markiiba sal-dhigyo ka samaysteen ammaankoodana adkeeyeen meelihii ay degi lahaayeen dowladaha reer galbeedka, waxaana meelahaas noqdeen xarumo u muuqda inay  sal-dhig ciidan ka dhigteen Midowga Yurub, iyo Maraykanka. Waxayna ciidammada Itoobiya suuro geliyeen in ciidammada uu ururka Midowga Afrika ku yaboohay Soomaaliya inuu keenayo ay waddada u sii furan laakiin iyagu markaas kuma aysan jirin ciidammada Midowga Afrika (MA) hoos tagaya waxaa soo if baxayay astaamo muujinaya inay wax iska badeleen ujeeddadii la madooyay inay ciidammada MA  u imaanayaan ama loo keenayo Soomaaliya.

 

Waxaa sida muuqata ciidammada Itoobiya shaqooyinka ay u yimaadaan ka mid ahaa in ay fuliyaan is bedel xagga madaxda dowladda ah haba ugu horeeyo madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf iyo inay cabsi ku ahaadaan cid kasta oo laga yaabo inay diidaan ama ka hor yimaadaan qorshayaasha lagu talo galay in dalka laga fuliyo, waxaas oo dhan waxay aad uga duwanaayeen wixii ay qorshayniyeen dowladihii IGAD ee shirka Mbagathi soo daadihinaayay, waxaana soo baxday in dowladahaas ay taladii gacatooda ka baxday. Gaar ahaan dowladda Uganda oo iyada ugu cadcadayd oo aan qarsan jirin intii uu shirku socday inay taageer dhinac kasta ka geysanayso sidii ay dowladda shirka Mbagathi ka dhalata taabbo gal u noqon lahayd, waxayna dalalkii shirka wax ka waday ee IGAD had iyo jeer tusaale ugu ahayd  sida ay uga go’nayd in hiil iyo hoo laysla dhinac taago dowlad Soomaaliyeed ee  shirkaas ka soo baxda.

 

Dowladda Djibouti oo iyada noocyo badan arrimaha Soomaaliya ugu jirtay isla markaasna uu khilaaf u horeeyay iyaga iyo madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa laga yaabaa marka laga reebo Itoobiya, inay iyadana wax kala socotay sida ay dowladaha Marykanka iyo Midowga Yurub u diyaariyeen in loo adeegsado ciidammadda ay Midowga Afrika doonayeen inay Soomaaliya keenaan taasoo ay waliba ay ka mid noqon karto bedelaad madax-weynaha, iyo waliba in dalkeedu uu marti geliyo kulannada ay rabaan inay qabsadaan xubnaha dowladda mucaaradka ku ah.

 

Waxaana arrinta si bari taaray  oo sii fududeeyay khilaafkii madax-weynaha,  Cabdullaahi Yuusuf iyo ra’iisal-wazaarihii xukuumadda Cali Max’ed Geeddi oo iyagu uu runtii khilaafkoodu muddo soo jiitamayay, khilaafkan oo salka ku hayay arimo la xiriira tagri fal xagga dhaqaalaha ah oo lagu eedeyniyay ra’isal wazaaraha iyo waliba shirkado shidaalka baara oo ay isaga niman ay saaxiibo yihiin si gaar ah ula soo heshiiyeen, in kastoo dhammaan eedaymahaas uu beeniyay ra’iisal wazaaraha isla markaasna laysku dayay in heshiis laga gaaro, hadana taasi ma suuroobin waxay noqdeen oo gabagabadii ay ku soo gunaanudmeen in ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi uu is cazilo. KHilaafkaas intii uu socday waxaa aad ugu dhex jiray labada nin diplomat-siyiin ka socday dalka Itoobiya, mana ahayn markii ugu horeysay ee ay Itoobiya dhex gasho madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha.

 

DHex-dhexaadinta Itoobiya ay mar kasta u taagnayd inay soo dhex gasho khilaafaad Soomaaliyama ahayn arrimo ay iyada si gaar ah u wadatay, ee waxay ahaayeen arrimo ay dalal badan la ogaayeen iyadoo malaha sababo gaar ah loo tix geliyay, oo ay ugu horeyso in ciidammadeeda niyadda loogu dhiso lana dareensiiyo inaan looga adkaan dagaalkii 1977kii dhex maray iyaga iyo Soomaaliya, si ay taas u dareemaanna ciidammadeeda ilaa Muqdisho la keeno  dowladdana ay maamulaan, waxna ka ogaadaan dhaqanka Soomaalida.

 

Waxaana loo doortay Itoobiya in ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba iyaga ay noqdaan dalka ay dowladaha Midowga Yurub iyo Maraykanka kala tashanayaa arrimaha Soomaaliya si ammaankeed loo sugo, waxaana ka mid ahaa waxyaabaha ay dalalkaas u  aamini Cabdullaahi Yuusuf inuu ahaa askari muddo soo shaqeeyay, kana soo qayb qaatay dagaalladii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxyaabahaas waxay si  weyn wax uga bedeleen qorshihii  iyo natiijadii lagu talo galay ee shirkii Mabagathi, waxaana soo baxay waji cusub oo aad moodo in wadiiqdii loogu talo galay laga leexiyay dowladdii dhalatay…….ilaa iyo hadda arrimuhu waxay ku socdaan siyaabo aysan dadka Soomaaliyeed talada waxba ku lahayn, waana dowlad!……

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii- L VI) 56aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22950

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>