Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha , Dhalinyaradda iyo Sports-ka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa shacabka Puntland ugu hambalyeey sanad guurada 18aad ee kazoo wareegatey markii dhidhibada loo taagay maamulka Puntland.
Wasiir Abdiraxmaan ayaa sheegey in xuska sanadkan uu uga duwan yahay sanadihii horre , Iyadoo Puntland ku guulaysatey tartankii kubbada cagta ee dalka Somalia , Si la mid ahna dabaal deg balaaran oo lagu soo dhaweynayo 1 Augsto uu shalay ka qabsoomay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Waxa uu intaas ku daray Wasiirku in caawa ay ka qabsoomi doonto xarunta madaxtooyadda Puntland xaflad balaaran oo si toos ah warbaahinta la iska arko ay u tabin doonto , Islamarkaana lagu soo bandhigayo taariikhda Puntland iyo Wixii u qabsoomay intii maamulku jiray.
Magaalo madaxda Puntland ayaa si weyn looga dareemayaa qaban qaabada ku saabsan xuska sanad guurada 18aad ee kazoo wareegtay markii la aas aasay Puntland.
Dhagayso Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland .
Abshir Dhiirane
Xafiiska Wararka Garowe
PUNTLANDPOST.COM
The post “Dhagayso” Qaban qaabada xuska 18aad ee Puntland appeared first on Puntland Post.