Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wariye ku baaqay in loo gurmado Ardeyda Degmada EYL

$
0
0

Degmada EYL ee Gobolka Nugaal waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu faca weyn dalka Somalia, Waxayna dhacdaa xeebta badweynta Hindiya, Waana magaalo kulmisa kheyraad kala duwan sida Beeraha,dhulka ku haboon dalxiiska, waxyaabaha taariikhiga ah iyo kheyraadka badda.

EYL waxay ka kooban tahay labo xaafadood oo kala ah DAAWAD iyo BADDEY, Xaafadda Daawad waxa ku yaala goobaha taariikhiga ah iyo beeraha, halka xaafadda Badey kaabiga ku hayso xeebta badda Hindiya..

Suxufi magaciisa la yiraahdo Mukhtaar Sudani ayaa barnaamij muuqaal ah kusoo bandhigay ka dib socdaal uu halkaas ku tagey dhibaato ka haysata ardeyda qaar waxbarashada dugsiga sarre kuwaas oo maalin walba lugeeya 5 KM.

Dugsiga sarre magaalada Eyl wuxuu ku yaala xaafada daawad, Iyadoona ardey badan oo subax walba u lugeeya  xaafadda Daawad, Kana sii lugeeya xaafadda Badey, waxay sheegeen waalidiintoodu inay dhibaato ku qabaan .

Daawo Warbixinta Wariye Mukhtar Sudani.

Abshir Dhiirane

Xafiiska Wararka Garowe

PUNTLANDPOST.COM

The post Wariye ku baaqay in loo gurmado Ardeyda Degmada EYL appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>