Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Guddiga Hirgalinta Doorashada Somalia oo la hadlay Saxaafadda

$
0
0

Gudoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federal Cumar Dhegay ayaa saxaafadda uga warbixiyay howlaha horyaala xilli muddo 19 cisho oo kaliya uga dhiman tahay waqtigii loogu talo-galay soo xulida baarlamanka dowlada Somalia.

Gudoomiye Cumar Dhagey oo maanta Muqdisho saxaafadda ugu qabtey shir jaraa,iid  waxa uu sheegey inay go,aan ka gaari doonaan Jadwalka doorashada Madaxda Dowlada Federalka iyo Kuwa maamul goboleedyada Somalia.

Wuxuu ka gaabsaday Mudane Dhagey inuu faahfaahin ka bixiyo in doorashadu waqtigeeda qabsoomayso iyo in kale oo dib looga dhigi doono xilligii horey loo qorsheeyay .

Waxa uu intaas ku darey Gudoomiyaha guddiga hirgalinta doorashada inay horgeynayaan qorshahooda iyo hanaanka kharashaadka Madaxda Somalida , Iyadoona la filayo shir ay isugu yimaadaan todobaadka soo socda.

Mudane Cumar Dhagey waxa uu sheegey inay ixtiraami doonaan islamarkaana dhexdhexaadnimo iyo hufnaan ay u muujin doonaan musharaxiinta u tartamaysa kuraasta ugu sareysa Dowlada Federalka Somalia.

Abshir Dhiirane

Xafiiska Wararka

PUNTLANDPOST.COM

The post Guddiga Hirgalinta Doorashada Somalia oo la hadlay Saxaafadda appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>