Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeyb-galeysa tartanka Olambikada adduunka 2016

$
0
0

Muqdisho(Puntland post) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeyb-galeysa tartanka Olimbikada adduunka ee RIO 2016 oo lagu qaban doono dalka Brazil.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey islamarkaana guddoonsiiyey Calankeenna Soomaaliya ciyaariyahanada Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse oo ka qeyb galaya tartarnka RIO 2016 gaar ahaan ciyaaraha fudud.

“ Mar ka hore waxaa guul inoo ah oo muhiimadeeduna leh inaad maanta ka qeyb galeyno tartankaas, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka soo hoyin doontaan ciyaraha Olimbikada adduunka ee RIO 2016 gaar ahaan kuwa fudud oo aad ka qeyb galeysaan. Dowladda Soomaaliya diyaar ay la tahay wax walba oo idin fududeynaya inaad ku guuleysataan tartarnka, sidoo kale xirriirka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed garabkiina ayey taagan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey ciyariyahanadaan oo maalinta berrito ah u ambabaxi doona dalka Brazil inay guul ka soo hoyin doonaan tartarnka , wuxuuna u ballan-qaaday in dib u soo laabashadooda loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran.

IB0A2100IB0A2159IB0A2134IB0A2166IB0A2198IB0A2214IB0A2254

Puntland post

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeyb-galeysa tartanka Olambikada adduunka 2016 appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>