Waxa ka socda deegaanada Puntland dabaal degyo iyo fantastiyo qeyb ka ah xuska sanad guurada 18 ee Puntland, Iyadoona caawa lagu qabanayo magaalada Garowe munaasabada ugu balaaran ee xuskan.
Caasumadda Puntland ee Garowe oo ahayd meelaha lagu qabto xuska ugu balaaran waxa caawa lagu qabanayaa munaasabad balaaran oo si toos ah (live) warbaahinta la iska arko u tabinayso .
Qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay warbaahinta Puntlandpost waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin guulaha maamulku gaarey 18 sano kadib.
Maanta oo ay taariikhdu ahayd 1 Augusto waxay ku began tahay markii la aas-aasay maamulka sannadkii 1998-dii , Waana 18 sano guuradii kazoo wareegtay aas aaska Puntland.
Abshir Xaaji Abdulaahi (Abshir Dhiirane)
Xafiiska Wararka Garowe
PUNTLANDPOST.COM
The post Puntland oo caawa u dabaal dagaysa 18 sano-guuro appeared first on Puntland Post.