Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha dawladda Puntland oo Shacabka ugu hambalyeeyey maalinta taariikhiga ah ee 1-da August

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 1 August, 2016 Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kaga qayb galay Munaasabadda Xuska maalinta Taariikhiga ah ee 1-da August oo ku beegan 18-sanno guuradii kasoo wareegtey markii Puntland dhidibada loo taagey.

Munaasabadda ayaa waxa kasoo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Marwada Madaxweynaha Dr’s Hodon Siciid Ciise, Wasiiro, Xildhibaano, xubno ka socda beesha caalamka, Abwaano, kooxaha kala duwan ee Fanka Puntland oo ay ka mid yihiin Mahuraan Band, Waaberi Puntland iyo Fannaaniin ka kala yimi waddamo kala duwan, kuwaas oo waqtigooda u soo huray sidii ay shacabka Puntland farxadda ula qaybsan lahaayeen.

Munaasabadda ayaa muddadii ay socotey waxaa lagu xusay guulihii ay dawladda Puntland ka gaartey sannadkaan 2016-ka dhinacyada siyaasadda, difaaca, dhismaha kaabayaasha dhaqaalah iyo tartamadii ugu dambeeyey ee Qur’aanka Kariimka ah iyo Kubbadda cagta oo labada ay Puntland ku guulaysatey.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xulka kubbadda cagta Puntland ee guulaha waaweyn usoo hooyey shacabka Puntland waxaa uu kumannaan qof hortood ku guddoonsiiyey abaal-marino isugu jira shahaado sharafyo iyo qaddarro lacago ah, taas oo uu Madaxweynuhu uga gol-lahaa in lagu dhiirri geliyo dhallinyaradaasi guulihii ay shacabkooda iyo dawladdooda usoo hooyeen.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo khudbaddiisii sannad laha ahayd jeediyey ayaa mahadcelin ka dib shacabka Puntland ugu hambalyeeyey maalintaan qaaliga ku ah ee 1-da August, isla maraana waxa uu ka sheekeeyey xaaladda guud ee Puntland, guulaha la gaarey  muddadii 18-ka sano ahayd ee ay Puntland jirtey iyo halka ay hiigsanayso Puntland.

Madaxweynahay ayaa sheegay in amniga guud ee Puntland uu yahay mid sugan isla markaana looga baahan yahay shacabka Puntland in ay gacmaha is qabsadaan si’ay u ilaashadaan amnigooda, iyagoona meel uga soo wada jeesanaya kuwa magacyada kala duwan adeegsanaya ee cagabadda ku ah amniga iyo xasilloonida waddanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in ujeedkii Puntland loo aas-aasay u ahaa in lagu baadi goobo dawladdanimadii Soomaaliyeed ee xoogga lahayd ee burburtay isla markaana aya Puntland ilaa iyo hadda u heellan tahay sidii ay ummadda Soomaaliyeed u heli lahayd dawladnimo taam ah  ugana bixi lahayd diihaalka daashadey dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa shacabka Puntland markale ugu hambalyeeyey farxadda Sannad guurada 18-aad ee kasoo wareegtey aas-aaskii Puntland waxaana uu Eebbe uga baryey in uu sannadkaan sannadkiisa ku gaarsiiyo bash-bash, barwaaqo iyo baraare.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYODHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_2144

IMG_2148

IMG_2160

IMG_2163

IMG_2158

IMG_2156

IMG_2152

IMG_2175

IMG_2177

IMG_2179

IMG_2181

IMG_2182

IMG_2201

IMG_2185

IMG_2184

IMG_2183

IMG_2210

IMG_2215

IMG_2217

IMG_2223

IMG_2237

IMG_2234

IMG_2232

IMG_2227

IMG_2225

IMG_2239

IMG_2248

IMG_2256

IMG_2260

IMG_2262

IMG_2267

IMG_2272

IMG_2275

IMG_2280

IMG_2281

IMG_2156

IMG_2152

IMG_2148

IMG_2144

IMG_2295

IMG_2158

IMG_2160

IMG_2163

IMG_2175

IMG_2177

IMG_2184

IMG_2183

IMG_2182

IMG_2181

IMG_2179

IMG_2185

IMG_2188

IMG_2191

IMG_2195

IMG_2201

IMG_2217

IMG_2215

IMG_2210

IMG_2208

IMG_2206

IMG_2223

IMG_2225

IMG_2227

IMG_2232

IMG_2234

IMG_2260

IMG_2256

IMG_2248

IMG_2239

IMG_2237

IMG_2280

IMG_2275

IMG_2272

IMG_2267

IMG_2262

IMG_2281

IMG_2286

IMG_2290

IMG_2295

IMG_2300

IMG_2333

IMG_2331

IMG_2329

IMG_2324

IMG_2317

IMG_2343

IMG_2345

IMG_2352

IMG_2355

IMG_2358

IMG_2376

IMG_2372

IMG_2366

IMG_2363

IMG_2359

IMG_2377

IMG_2379

IMG_2386

IMG_2402

IMG_2404

IMG_2432

IMG_2421

IMG_2419

IMG_2415

IMG_2409

IMG_2440

IMG_2441

IMG_2444

IMG_2449

IMG_2460

IMG_2502

IMG_2486

IMG_2481

IMG_2477

timthumb16

IMG_2505

IMG_2507

IMG_2508

IMG_2509

IMG_2514
IMG_2574 IMG_2581 IMG_2579 IMG_2570 IMG_2567 IMG_2599 IMG_2604 IMG_2605 IMG_2628 IMG_2644 IMG_2652 IMG_2684 IMG_2686

The post Madaxweynaha dawladda Puntland oo Shacabka ugu hambalyeeyey maalinta taariikhiga ah ee 1-da August appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles