(P-P Muqdisho) Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ay soo gaaraaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka.
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland , Jubbaland, Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in ay maanta ka soo baxaan magaalooyinka Garoowe , Kismaayo iyo Baydhabo.
Dhanka Gal-Mudug Waxaa lagu wadaa in uu Cadaado ka soo amba baxo madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gal-Mudug Maxamed Xaashi Carabeey oo matalaya madaxweynaha Gal-Mudug C/kariin Xuseen Guuleed oo xaalad caafimaad wali ugu maqan dalka dibadiisa.
Waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Madasha wadatashiga Qaran oo ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka iyo Madaxda dowlada Somalia sidoo kalena ay qeeyb ka yihiin xubnaha Beesha Caalamka.
Shirka ayaa waxaa hareeyn doona arimaha la xariira Doorashada iyo muddo kororsi la sheegay in uu doonayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho
The post Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Dalka oo ku soo wajahan Muqdisho iyo shirka madasha wadatashiga qaran oo furmaya appeared first on Puntland Post.