KHilaafkii dowladda dhexdeeda ahaa run ahaatii wuxuu ahaa dhabar jab weyn ooku dhacay hankie iyo rajadii ay qabeen dadka Soomaaliyeed, Geedii waa is cazilay…madax-weynihii wuxuu soo magacaabay Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde), tani waxay ahayd khaladkii labaad ee uu madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf ku sameeyay magacaabidda ra’iisal wazaaraha isagoo u xeerinaaya qof Muqdisho ka soo jeeda, maxaa yeelay, arrintu waa dowladdii dalka dowladda u ahayd, marka waxay ahayd madax-weynuhu haddii ra’iisal wazaarihii hore ee uu ku soo xushay inuu Muqdisho ka soo jeedo ay dowladdii ku gaari waysay waxay ahayd in lagu gaaro, taladu wax iska bedelaan…..iyadoo waliba hab beeleedkii lagu soo heshiiyay ee 4.5 aan laga tagayn….
Nuur-Cadde, runtii wuxuu ahaa nin muddo dheer soo shaqeeyay, laakiin nin kasta oo yaqaanay ama ay wada shaqeeyeen inuusan ahayn nin xilkaas loo dhibi karay iyagoo waliba ku duraya sababo badan oo la xiriira daacadnimadiisa, xil-kasnimadiisa… waxaase intaas igala weyn, in nin ku raagay inuu la shaqeeyo hay’daha aan dowliga ahayn wadan sida Soomaaliya u burburay xil heerkaas gaarsiisan looga dhiibo……isla markii la magacaabay Nuur-Cadde wuxuu ka hor yimid wax kasta si aad moodo inuu ahaa nin la soo diyaariyay, talo kasta isagaa si gaar ah go’aan uga qaadanayay…..waxaana bilowday buuq faro badan oo meelo badan ka yimid, Xil-DHibaannadii Soomaaliyeed, dowladihii IGAD,iyo Midowgii Afrika waxaa ka qaylo dheeraaday Kaaliyihii waziirkii arrimaha dibadda dowladda Maraykanka ee arrimaha Afrika Jendayi Frazer, iyo wakiilkii xog-hayaha Guud ee QM Soomaaliya u qaabilsanaa Axmed Walad Cabdallah….
Waxyaabaha yaabka leh ee waqtigaas Baydhabo ka dhacayay barlamanaka indhuhuu ka daawanayay, waxaana arrinta markii hore dhex galay diplotsiyiin shisheeye ah, iyadoo qaarkoodna ay madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf cadaadis ku saareen inuu Nuur-Caddeuu wada-shaqayn fiican la yeesho….xil-dhibaannadii oo jooga baa arrimuha waxaa banaanka ka xalinaya oo diplomatsiyiin shisheeye ah oo maalin kasta talo u soo jeedinaya Madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha……..
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii- L VII) 57aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan. appeared first on Puntland Post.