Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo maanta u dhoofay Muqdisho

$
0
0

Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u duulay magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirkada madasha qaran kaas oo lagu go,aaminayo Jadwalka doorashada iyo xilliga la qabanayo.

Shirka uu ka qeyb galayo Madaxweyne Gaas ayaa lagu wadaa maalinta beri ah inuu ka furmo magaalada Muqdisho , Waxaana kazoo qeyb galaya madaxda Dowlada Federalka iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya

Wuxuuna kusoo beegmayaa shirkani xilli uu shaki weyni ka jiro dib u dhac ku yimaada xilligii doorashada horey loogu qorsheeyey, wallow taasi ay si rasmiya u cadaan doonto kulanka Muqdisho ka furmaya ka dib.

Abshir Dhiirane

Xafiiska Wararka Garowe

PUNTLANDPOST.COM

The post Madaxweynaha Puntland oo maanta u dhoofay Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>