Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha dawladda Puntland oo Gaarey Magaalada Muqdisho

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo hoggaaminayo oo ka kala tirsan labada gole ee dawladda ayaa maanta 2 August, 2016  ka amba baxay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland isagoo kusii jeeda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee konoko kusii sagootiyey Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda, saraakiil ciidan iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ka hor intaanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Konoko waxa uu warbaahinta u sheegay in uu muqdisho u aadayo shirkii ugu dambeeyey ee Madasha wadatashiga qaran, kaas oo lagu soo afmeeri doono hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaarey Garoonka diyaaradaha ee Adan Cabdulle Airport waxaa kusoo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dawladda federaalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidanka.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweyn ka dib waxa uu Garoonka diyaaradaha ee Adan Cabdulle kulan kula qaatay ku-xigeenka Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya dalka Soomaaliya isla markaana  waxa ay kawada hadleen Madaxweynaha iyo danjiruhu marxaladdaan kala guurka ah ee uu kujiro dalka Soomaaliya iyo doorka siyaasadeed ee ay dawladda Puntland ku leedahay hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Ku-xigeena danjiraha dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa ugu horrayn dawladda Puntland iyo shacabkeedaba ugu hambalyeeyey sannad-guuradii 18-aad ee kasoo wareegtey aas-aaskii Puntland isla markaana waxa uu Madaxweynaha dalwadda Puntland ku ammaanay dedaalkii dheeraa ee uu u galay sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd marxaladdii  kumeel-gaarka xilligii uu Ra’iisul-wasaaraha ahaa, sidoo kalena waxa uu ku ammaanay muddadii uu hayey hoggaanka Puntland tanaasulaadkii uu u sameeyey sidii ay Soomaaliya uga gudbi lahayd marxaladdaan kala guurka ah.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa uga Mahadceliyey danjiraha soo dhoweynta uu u sameeyey iyo kaalmada aadaminimo ee dawladda maraykanku ay ka geysato dalka Soomaaliya, waxaana uu u sharraxay danjiraha sida ay dawladda  Puntland ugu heellan tahay xal u helidda sidii ay Soomaaliya uga dhalan lahay dawlad xoogleh oo lugeheeda isku taagta.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.IMG_2740 IMG_2755 IMG_2759 IMG_2764 IMG_2771 IMG_2777 IMG_2778 IMG_2779 IMG_2780 IMG_2781 IMG_2782 IMG_2783 IMG_2787 IMG_2790 IMG_2797 IMG_2799 IMG_2804 IMG_2806 IMG_2813 IMG_2815

The post Madaxweynaha dawladda Puntland oo Gaarey Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>