Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa been abuur ku tilmaamay inuu ka dalbaday taliska ciidanka AMISOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ciidamo suga amaankiisa Ka dib warar la xariira amuurtaas oo ay dhawaan faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Afka Somaliga ku hadasha.
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa kursiga Madaxtooyadda Villa Somalia waxa uu sheegey inay ku jirto heshiiska doorashada inuu musharax walba xaq u leeyahay in la sugo amaankiisa islamarkaana doorashadu ka dhacdo goob amni ah.
Dr Faroole wuxuu si weyn u cambaareeyey been abuurka qaar ka mid ah saxaafaddu ka qortey , Wuxuuna yiri “Cida doorashada qaban qaabinaysa bay khasab ku tahay inay sugto ammaankeena haddii ay ahaan lahayd beesha caalamka iyo dowladda federalka”.
Halkaan ka dhageyso codka Faroole.
Abshir Dhiirane
Xafiiska Wararka Garowe
PUNTLANDPOST.COM
The post Dr Faroole oo beeniyay war laga qorey appeared first on Puntland Post.