Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LIX) 59aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Camar
Natiijadii shirkii Mbagathi!….waxaa qof kasta oo Soomaali dareemayaa in dalkii dad aan Soomaali ahayn ay ka taliyaan, madax ka yihiin oo maamulaan!…. Qabqablayaashii Muqdisho waxaa loo qoray mushaar 100kun ilaa 150kun oo dollarka Maraykanka ah bishii, dalkoodii bay calooshood u shaqaystayaal ka noqdeen, kaaga daranee waxa lacagta lagu siinayay ama magaca ah Argagixiso in lala dagaalayo xaqiiqo ahaan kuwa lacagta ku siinayay iyo Qabqablayaasha Muqdisho isku si uma fahamsanayn, dowladda Maraykanka, SHiikh SHariif Axmed ilaa ay madax-weyne ka dhigtay bay dabada ka soo waday wuxuuna ahaa hoggaamiyihii kooxdii ay  lacagta ku siisay Qabqablayaashii Muqdisho si ay ula dagaalaan… bal adigu macnee…….Dunida horu martay waxaaqaynuun looga yaqaan wixii dantooda ah……marar badan waxaad arkaysaa iyadoo la leeyahay waxaas ha la sameeyo, markaas baa la leeyahay qaynuunkaa diidaya, markaas baa la leeyayhay ha la bedelo qaynuunka diidaya ama ka hor imaanaya……marka dantooda waa qaynuunkooda laakiin qaynuunkooda dantooda ma aha!…..

 

SHiikh SHariif Axmed, nin yaqaan wuxuu ahaa oo Soomaali ah ma jiro, xataa kuwii ay maxaakimta isla ahaayeen, waa suuro gal inuu markii horaba ahaa camiil ku dhex jiray ururkaas, waa suuro gal in markii laga adkaaday maxkammadah in la shaqaaleeyay oo isagoo shaqaale ahna madax-weyne laynooga dhigay!……waxaan garannayaa si erggedii Soomaaliyeed ee ka qayb gelaysay shirkii Mbagathi 361 xil-dhibaan bay noqonaysaa tirade xil-dhibaannada, markaasaa nin kasta wuxuu niyadda iska gashtay inuusan waxba waayeyn, nin kasta oo ka mid ahaa nimankii siyaasadda hor boodayeyna wuxuu sameeyay balan qaadyo oo dad badan buu u sheegay inuu ku darayo golaha shacabka, laakiin wax ka dib markii la saxiixay heshiiskii Retreart-kii baa waziirkii arrimaha dibadda Kenya ee isagu ahaa runtii udubkii uu shirku ku taagnaa Kalonzo Musyoka, ayaa waraaq xafiiskiisa ka soo baxday ku sheegay inay tiradaas aad u badantahay dhaqaalana aan loo heli karayn sidaas aawadeedna la dhimayo!…… markaasaa erggedii isku kacaday oo laga wada hor yimid….laakiin dantii baa diiday, waxaana qasab noqotay in 275 xubnood lagu soo kobo tirrada xil-dhibaannada Soomaaliyeed.

 

Aadan-Madoobe Af-hayeenkii barlamanka markii uu is cazilay madax-weyne Cabdullaahi Yuusu waxa uu sheegay  inay doorshada madax-weynaha ka dhacayso magaallada Baydhabo waliba si dhaqso ah, maxaa ku dhacay oo taladiisii bedelay, waxay ahayd talo aad u fiican, waa dhab oo markiiba waxaa ka daba hadlay Axmed Walad Cabdallah oo sheegay inay doorashada madax-weynenimmada ka dhacayso dalka Djibouti, oo sababta maxay tahay?! Oo yaa yaqaan?! Laga yaabo in Maraykanka uu sidaas maslaxo biday iyo inay ceeb yartahay ama ka asturantahay Baydhabo, laga yaabo in Ismaaciil Cumar Geelle oo talo ahaan isaga keenay ama uu qabay in mashruuca Djibouti uu ku bilowday sidaas daraadeedna iyada ay tahay meesha ku haboon ee laga fulin karo!……midse ma dahsoona, in Axmed Walad Cabdallah uu arrimaha taladooda qayb weyn ka qaatay.

 

Aadan-Madoobe, isagoo aan mar dambe hadlin, oo Walad Cabdallah aan u jawaabin, baa isaga iyo xil-dhibaannadii Barlamanka ee Baydhabo joogay ay degdeg ku tageen magaallada Djibouti. Axmed Walad Cabdallah, wuxuu si amar ah ugu celceliyay in doorashada ay ka dhacayso Djibouti, waxayna arrintu u ekeyd in ciidammadii Itoobiyaanka ahaa ee joogay magaallada Baydhabo ay iyagu ku amreen xil-dhibaanadu inay tagaan dalkaas Djibouti oo halkaas lagu qabto doorashada madax-weynaha, waxaana yaab lahaa Adan-Madoobe inuusan dad-weynaha u sheegin waxa iska bedelay oo uu doorashada madax-weynaha ugu qaban waayay magaallada baydhabo sidii uu markii horaba sheegay, waxayse jawaabtu isaga dhamayd in madax-weynihii ay soo doorteenba, inta laga eryay ay hadana sacabka ku garaaceen iyagoo aan raali ka ahayn!….

 

 

 

Maalmo yar gudahood, magaallada Djibouti waxaa soo buuxshay dad faro badan oo isugu jiray murashaxiin xilka madax-weynenimmada raba inay u tartamaan iyo dad kale oo ciidda ka batay oo xil-dhibaanimo doon ah, waxaana meesha lagu soo xulay xil-dhibaano cusub oo tiro ahaan la eg tiradi xil-dhibaannadii hore (275Xubnood) sida lagu soo xulay ma ahayn sidii kuwii ka horeeyay lagu soo xulay, oo oday dhaqameeddadii wax xuli lahaa lama keenin meesha, in kastoo mararka qaar la sheegayay in oggolaanshahooda la haystay ama la helay, waxaana dad badan oo goobta tegay ay dareemeen in xil-dhibaannada cusub ay ahaayeen kuwo loo diyaariyay inay SHiikh SHariif Axmed u codeeyaan oo isaga ay codkooda siiyaan, waxayna arrintu mid iska cad oo isla markiiba si dhib yar loo saadaaliyay in SHiikh SHariif uu ku guulaysanayo doorashadaas.

 

Wax iska cad bay ahayd in SHiikh SHariif SHiikh Axmed laynoo keenay, waxaan horay u soo aragna in tiradii Xil-DHibaannadii Mbagathi markii ku talo galku ahaa 361 xil-dhibaan laakiin la yareeyay iyadoo lagu salaynayo sida caadada ah dhaqaalaha iyo tirade dadka ku nool deegaannada ay xil-dhibaanda wakiilka ka noqonayaan, ugu dambayntiina waxaa lagu soo ururiyay inay noqoto 275, hadana markii ay iyagu dan ka yeesheen maxaa la gaarsiiyay 550 xil-dhibaan! Tartankii lagu doortay SHiikh SHariif ayaa waxaa la tartamay ilaa 10xubnood oo kale, waxayna guud ahaan murashaxiinta tiradoodu isku ahay 11murashax oo kala ahaa; SHiikh SHariif, Maslax Maxamed Siyaad Barre, Cali Khaliif Galayr, Maxamed Cismaan Aadaan, Axmed Xaashi Maxamuud, C/raxmaan Cabdi Xuseen “Guulwade” Cawad Axmed Casharo, Muuse Macallin Yuusuf, Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” Yuusuf Cumar Azhari, Cali Xaashi DHoorre….

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LIX) 59aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>