Waxaa maanta magaalada Qardho Gobolka Karkaar si weyn loogu soo dhoweeyay Cayaaryahannada Xulka Kubada Cagta Puntland, Ka dib safar ay ugu baxeen magaalooyinka Bosaso, Qardho iyo Baran.
Maamulka Gobolka Karkaar, Kan Degmada Qardho, iyo Qaar ka mid ah shacabka ayaa duleedka magaalada kusoo dhaweeyey dhalinyarada xulka ciyaartooyda Puntland.
Socdaalka Xulka Kubbada Cagta Puntland ayaa ka danbeeyey ka dib markii uu dhawaan shaaciyey Madaxweyne Cabdiweli Gaas inay dhalinyaradu geyn doonaan guushii ay Muqdisho kala soo laabteen Gobolada Puntland.
Abshir Dhiirane
Xafiiska Wararka Garowe
PUNTLANDPOST.COM
The post Xulka Kubbada Cagta oo lagu soo dhaweeyay Qardho appeared first on Puntland Post.