Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xilal loogu magacaabay labo sarkaal Nabad sugida Gobolka Mudug iyo Nabad-sugida Puntland.
Dikreetada oo ku taarikheysan 30 July 2016 ayaa maanta faafinteeda rasmiga ah lasoo gaarsiiyey warbaahinta , Waxaana Madaxweynuhu uu u magacaabay Agaasime kuxigeenka nabadsugida Puntland Sareeye guuto Cabdinuur Geeseey , Halka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Mudug uu u magacaabay Gaashaanle Dhexe Xaashi Aadan Cilmi (Farey) .
Akhriso Wareegtada.
PUNTLANDPOST.COM
The post Madaxweynaha Puntland oo xilal magacaabay appeared first on Puntland Post.