Gudoomiyaha Baarlamanka Khaatumo ayaa ka horyimid wada hadalka Wasiiro ka tirsan maamulka Cali Khaliif Galayr kula jiro Somaliland , Wuxuuna ku baaqay in 4 beri gudahood la isugu yimaado shir, Isagoona sheegey talaabadan inay u gaar tahay Khaliif iyo Wasiiradiisa.
Hadalka kasoo yeeray garab ka mid ah Khaatumo ayaa yimid ka dib markii wada hadal Somaliland kula fureen Caynaba 6 xubnood oo ka tagay shalay magaalada Buuhoodle Islamarkaana uu sheegey Wasiirka Warfaafinta Khaatumo inay ku tageen halkaas talo Khaatumo ogtahay.
Wuxuuna dibada usoo baxay wada hadalkan ka dib markii uu shaaciyey todobaadkii hore Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland in goor sii horeysay ku shireen magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia xubno ka tirsan Khaatumo iyo Maamulka Somaliland , ayna u balameen isu soo dhawaan iyo heshiis.
DAAWO GARABKA KA HORYIMID
Dadka qaar falanqeeya siyaasadda waxay rumaysan yihiin inaanu waxba uga duwanayn heshiiskan kii horey Somaliland ula gashay Hogaamiyihii SSC Cabdiraxmaan Ciise (Xaglo-toosiye) oo hadda xil wasiir ka haya maamulka Hargeysa.
Abshir Xaaji Abdulaahi
Email:- Abshirdhiirane@gmail.com
PUNTLANDPOST.COM
The post Garab ka mid ah khaatumo oo ka horyimid wada hadalka S/land appeared first on Puntland Post.